Sign in to follow this  
Deeq A.

Furuqa: Ka Hor Taga Ayaa Ka Wanagsan iska Daawaynta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ka Hor Taga Ayaa Ka Wanagsan iska Daawaynta

Furuqa (Monkeypox) Waa Maxay?
Furuqa (Monkeypox) waa cudur ka mid ah cudurrada fayraska ku saleysan ee la xidhiidha Orthopoxvirus, taas oo ah koox fayrasyo keena cudurrada xunxun sida smallpox. Furuqa wuxuu markii hore ku badnaa xayawaanka duurjoogta ah, gaar ahaan jiirka iyo bakaylaha ku nool Afrika. Fayraskan ayaa haatan ku fiday dadka, gaar ahaan wadamada Afrika, waxaana uu sababayaa calaamado la mid ah smallpox, inkastoo uu ka fududyahay.Calaamadaha Cudurka Furuqa Calaamadaha cudurka Furuqa waxay soo baxaan 5 ilaa 21 maalmood kadib marka qofku uu la kulmo fayraska. Calaamadahan waxay ka bilaabmi karaan kuwo khafiif ah oo aan si fiican looga dareemin, balse waxay noqdaan kuwo halis ah oo u baahan in si dhakhso leh looga jawaabo.
Astaamaha bilawga ah ee lagu garan karo
waxa ka mid ah qandho sare, daal, madax-xanuun iyo dhabar-xanuun. Finan ugu waaweyn wajiga, cududaha iyo lugaha ayaa ku xiga laba ilaa saddex maalmood. Finanku waxay ku bilaabmaan nabaro cascas oo isku wakhti is beddela. Nabarada waxa gala malax waxana ay bilaabaan inay qolof yeeshaan maalmaha hore ee todobaadka labaad. Qolof ayaa sameysanta, ka dibna way fuqdaa oo dhacdaa ka dib qiyaastii saddex ilaa afar todobaad. Badi bukaanka qaba furuqa way ka bogsadaan, laakiin dhimasho ayaa ku dhacda tiro ah boqolkiiba 30
Sidee baa furuqu loo fidiyaa
Furuqa si aad u weyn ayaa loo kala qaadaa waxana uu fidaa marka dhibco ah candhuufta qofka jirran ay gaadhaan qofka kale. Soogaadhistu waxay ku iman kartaa xidhiidh ah fool-ka-fool, hawada oo uu ku fido (quficid ama hindhisid) ama iyada toos loo taabto walxo ku wasakheysan cudurka. Dadka qaba furuqa waxay ugu cudur qaadsiin badan yihiin inta lagu jiro todobaadka koowaad ee cudurka taasoo ah marka qadarka ugu badan ee fayras ah uu ku jiro candhuufta. Hase yeeshee, xoogaa ah halis gudbin ayaa jirta ilaa dhammaan qoloftu dhacdo.

Daweynta furuqa
Ma jirto dawo la xaqiijiyay oo loo hayo furuqa, laakiin cilmi-baadhis lagu qiimeynayo walxo lid ku ah fayraska ayaa socota. dawooyin lagu xakameeyo qandhada ama xanuunka, iyo antibiyootiko loogu talogalay wixii ah caabuq bakteeriyo keento oo daba socda furuqa.

Talo: Ka fogow taabashada xayawaanka duurjoogta ah gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada uu cudurkani ku badan yahay. Haddii aad qabato xayawaan ama aad la xiriirto, hubi inaad gashato galoofyo oo aad gacmahaaga si fiican u dhaqdo kadib taabashada. Waxa kale oo muhiim ah inaad ka fogaato cunista hilibka xayawaanka duurjoogta ah ee laga qaado.
GUNANAD , Cudurka Furuqa (Monkeypox) waa cudur fayras ku saleysan oo leh awood uu si sahlan ugu faafo dadka iyo xayawaanka. Wuxuu ku faafi karaa taabashada tooska ah ee qofka cudurka qaba, neefsiga dheecaannada hawada ku jira, isticmaalka alaabta la wadaago, iyo taabashada xayawaanka cudurka qaba. Fahamka qaababka uu cudurkani ku faafi karo iyo qaadashada tallaabooyinka ku habboon ayaa muhiim u ah kahortagga faafitaanka fayraska iyo ilaalinta caafimaadka bulshada, Xanunka monkey box ilaa hada waxaa laga helay 16 wadan oo Africa ka mida , sidoo kale waxaa laga helay dalka swedan qofkii ugu horeyay
Waa xanun ka mida kuwa faafa halistiisuna durba ka muuqato bukanada uu soo ritay waxaa la diwaan galiyay 38465 qof iyo dimashada 517 sanadkan
WHO waxay iskugu yeedhay hayadaha ka hortaga cudurada faafa iyadoo ay ka walacsan thy virus dilaaga ahfn ee dunida ku sii fidaya
Cudurkan ayaa hore ugu koobnaa DRC congo lkn hada wuxuu si lama filana ugu fidayaa qarada oo idil viruskan wuxuu ka halis badan yhy corona ,waxa la ogaaday 1958kii marki laba cudur oo busbuska u eeg ka dilaaceen deganada lagu hayo daanyerada hadana xiligaa si rasmiya looma tilmamin halista viruska saynisyahanada waxay qeexeen in daanyeerku yahay ubucda faafisa viruska kiiskii ugu horeyay ee adama waxaa la diwaan galiya 1977 waxaana laga helay dalka congo ,
2022 furuqa danyerka ayaa ku fiday aduunka oo dhan intaas ka hor kiisaska mbox meelaha kale waxay ahayeen kuwo naadira oo inta badan lala xidhidhiyo safarka ama xolaha laga keeno gobaha uu cudurku ka jiroo

Mahadsanidiin.
W/Q; Mahad abdirahman Muhumed coofle
Master public health epidemiology (MphE )

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this