Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgalka Yemen oo cadaadis saaray dekedda Cassab

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Maxaysan Itoobiya u isticmaali karin dekedda Cassab

Cassab

Xiisad ayaa ka dhalatay geeska Afrika ka dib markii Itoobiya ay sheegtay inay doonayso inay badda marin u hesho.

Dalkan ay 120ka malyan ee qof ku nool yihiin ayaa albaabo badan garaacay si uusan ugu tiirsanaan Jabuuti kaligeed.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlay baahida ay Itoobiya u qabto deked, ayaa hadalkiisa wuxuu dhaliyey walaac inay ka qaadaan qaar ka tirsan dalalka gobolka.

Markii ugu horreysay ee Itoobiya ay ka hadashay deked, mid ka mid meelaha ay soo hadal qaadeen waxay ahayd dekedda Cassab.

Itoobiya ayaa dekedaas ganacsi u iticmaalaysay muddo ka badan 100 sano. Laakinse markii Itoobiya iyo Eritrea ay kala go’een Itoobiya suurtogal uma noqon inay sii isticmaasho.

Ilaa iyo 1995, badeecadaha ka soo dega iyo kuwa ka dhoofa dekedda Cassab waxay ahaayeen kuwo Itoobiya leedahay.

Cassab waxay ahayd deked Itoobiya leedahay, Itoobiyana waxaa uga furnaa halkaas qayb ka tirsan xafiiska kastamyada sida ay hay’adda IMF ku xustay warbixin ay soo saartay 1995. Dhanka kale, Itoobiya waxay lahayd warshadda sifaynta shidaalka ee Asabi.

Labada dal ayaa heshiis kala saxiixday 1993, waxaana warshadda sifaynta shidaalka ku shaqaynayey hay’adda shidaalka ee Itoobiya. Eritrea waxay shidaalka ku gadan jirtay lacagta Birr-ta.

Gaadiidka iyo adeegga dekedda, Itoobiya waxay bixinaysay Birr ayadoo siinaysay Eritrea.

Laakinse Itoobiya waxay joojisay isticmaalka dekedda Cassab wixii ka dambeeyey 1998, sida laga soo xigatay hay’adda IMF

 

Massawac

Hawlgalka Yemen oo cadaadis saaray dekedda Cassab

Tan iyo 2011, xiisadda dalka Yemen ayaa saamayn ku yeelatay dekedda Cassab. Hawlgallada Iimaaraadka iyo Sacuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ayaa u baahday saldhig.

Eritrea waxay iyadana taageeraysay hawlgallada milateri ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, waxayna Iimaaraadka u ogolaatay inuu halkaas saldhig ka samaysto. Laakinse Iimaaraadku wuxuu sheegay inu ka guurayo saldhigaas.

Hase yeeshee, marba haddii u Iimaaraadku iskaga baxay saldhigga, maxay Eritrea u diidday inay u ogolaato Itoobiya inay isticmaasho dekedda?

 

Maxaa Itoobiya loogu diiday dekedda Cassab?

2018, ka dib sannado cadawtinimo ay dhex taallay Eritrea iyo Itoobiya ayaa soo afjarmay, ka dib markii uu awoodda la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa ku kulmay Sacuudiga, waxayna saxiixeen heshiis nabadeed.

Waddooyinka isku xira labada dal ayaa sidoo kale la furay, waxaana ka mid ah waddada isku xirta Cassab . Dhuunta shidaalka ee Asabir – Finfinnee ayaa la sheegay inay muhiin u tahay dhaqaalaha labada dal.

Xilligaas saraakiisha Eritrea waxay sheegeen in dekedda Cassab ay diyaar u tahay inay hawlaheeda sii waddo, ayadoo saraakiisha gaadiidka ee Itoobiyana ay sheegeen in xaaladda waddada Cassab ay tahay mid wanaagsan.

Taa waxaa ku xigay inuu qarxay dagaalka waqooyiga Itoobiya, Eritrea-na ay taageertay Itoobiya oo markaa la dagaallamaysay xoogagga Tigray.

Labada dal waxay isku afgarteen inay ka wada shaqeeyaan dhowr mashruuc oo uu ku jiro in la yagleelo aagga wadajirka ah ee dhaqaalaha.

Itoobiya waxay sannad kasta siisaa 1.5 bilyan oo dollar oo kiro ah dalka Jabuuti, taasoo ah kirada dekedda, sida ay BBCda u sheegeen dad u dhuundaloola.

Haddaba su’aasha aisweydiinta mudan ayaa ah maxay Eritrea u diidday in Itoobiya ay u ogolaato isticmaalka dekedda Cassab.

Xukuumadaha labada dal si cad ugama aysan hadlin sababta heshiiska ay labada dal gaareen aan loo dhaqan gelin.

“aad ayey ugu adag tahay in la ogaado sababta, waayo dhinacna kama usuan hadlin” ayuu BBC u sheegay qof ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

Khubaradu waxay sheegayaan in Itoobiya ay ka faa’iidi kartay dekedda Cassab, in ka yar kirada ay siiso Jabuuti.

Xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea uma wanaagsana sidii uu ahaan jiray, ka dib markii heshiiska lagu gaaray Pretoria, khudbaddii uu Abiy Axmed kaga hadlay in ay bad helaanna kama farxinin Eritrea.

Wuxuu sheegay in aysan ahayn in Itoobiya ay lumiso marinkeeda badda cas ayadoo ah dal ay ku nool yihiin 120 malyan oo qof. Taa waxay keentay in Itoobiya ay heshiis is faham la saxiixato Somaliland, kaasoo xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Eritrea

Itoobiya oo u baahan 12 deked

Daraasad la sameeyey 10 sano ka hor ayaa muujisay in Itoobiya ay u baahan tahay 12 dekedood.

Labada dekedood ee Eritrea ee Cassab iyo Musawac waxay u dhow yihiin Itoobiya, waana kuwo faa’iido dhaqaale u leh labada dal. Gaar ahaan dekedda Cassab haddii la casriyeeyo, lana ballaariyo, kaliya looma isticmaali doono Itoobiya ee waxaa lo iticmaali karaa adeegyada caalamiga.

Haddii Eritrea ay u ogolaato Itoobiya inay isticmaasho, waxay kaalin weyn ka ciyaari kartaa dhaqaalaha labada dal, oo ay ku jiraan sidii fursado shaqo ay u heli lahaayeen muwaadiniinta labada dal.

Awoodda dekedda Cassab intee gaarsiisan tahay

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa waraysi ku sheegay “in ay adag tahay in la yiraahdo dekedo ayaan leennahay”.

“Cassab waxay u baahan tahay in la horumariyo oo la weyneeyo” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in haddii la horumariyo ay adeeg u fidin karto ay adeegyo siin karto dalalka gobolka oo Itoobiya ku jirto.

“Hadda lama dhihi karo Cassab waa deked” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in xukuumaddu qorshaynayso in dekedda dib loo cusboonaysiiyo.

Shirkadda Iimaaraadka laga leeyahay ee DP World ayaa ku dhawaaqday inay billowday dib u cusboonaysiinta dekedaha Eritrea si Tayada adeegyadooda loo horumariyo, taasoo ay codsatay xukuumadda Eritrea.

Dekedda Cassab ayaa awood u leh inay ka degaan 385,930 mitrik tan oo xamuul ah, waxayna leedahay dhul gaaraya 275, 320 mitir oo isku wareeg ah oo meel loogu tala galay in xamuulka la dhigo.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this