Sign in to follow this  
Siciid_10

Shareecadda Islamka, Somaliland, Maxkamadaha Muqdisho Iyo Wahabiya

Recommended Posts

Shareecadda Islamka, Somaliland, Maxkamadaha Muqdisho Iyo Wahabiya

Sarmad Shaykh — --- — 10 December, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Shareecadda Islamka, Somaliland, Maxkamadaha Muqdisho iyo Wahabiya

 

 

Waxa beryahan ku soo batay Somaliland odhaahda ah “ha la isku xukumo shareecadda Islaamka”.

 

 

Mar haddaad maqasho ‘shareecad ha la isku xumo’ ogow inay dadkaasi ama Wahabiya yihiin ama ay Wahabiya ‘influence’garaysay.

 

 

Marka hore, bal aynnu eegno micnaha xaqa ah ee ‘shareecadda ha la isku xukumo’. Culamadii hore ee xaqa ku socdey marka ay odhan jireen “shareecadda ha la isku xukumo” waxay ula jeedeen “adigu, qof ahaan, shareecadda isku xukun” oo micneheedu yahay wax kasta oo shareecadda ka soo hor jeeda noloshaada daahiriga (outward) iyo batiniga (inward) ka dhamee ama ka safee. Inuu qofku noloshiisa daahiriga ah ka tirtiro wixii shareecadda ka soo hor jeeda waxa ka mid ah: inuu cibaadooyinka sida salaada, soonka, etc. fuliyo, inuu xalaal ku noolaado, inuu xaaskiisa u roonaado, inu qaraabada uu xidhiidhiyo inuu martida soo dhoweeyo inuu dadka dan yarta ah u roonaado iyo waxyaalo kale oo fara badan.

 

 

Inuu qofku noloshiisa baatinga ah ka tirtiro wixii shareecadda ka soo hor jeeda waxa ka mid ah: inuu xanta iska ilaaliyo, inuu xaasidnimada iska ilaaliyo, inuu isla waynaanta iska ilaaliyo, inuu istuska iska ilaaliyo iyo wax yaalo kale oo fara badan oo kutubta culamada ka buuxda, sida kitaabka ixyaa culuuma diin ee Imaam Al Ghazali..

 

 

Waxa la ogyahay in ay mujtamacyadu ka koobanyihiin afraad (individuals), haddii aany dadku qof qof isugu soo dabaalin shareecadda wax hagaagayaa ma jiraan xitaa hadii ‘shareecadda islaamka la isku xukumo’, waxa taa marag ka ah dadka wadanka Saucuudi Arabia. Sacuudi Arabia waxay ku faantaa inay isku xukunto shareecadda Islaamka laakin qof kasta oo waddankaa ku noolaada muddo yar oo dadkooda dhexgalaa wuxuu markiiba dareemayaa inay ka aradanyihin shareecadda Islaamka. Sacuudi Arabia ama Wahaabiya waxy ula jeedaan “shareecadda ha la isku xukum” waa “gacmaha ha la is gooyo”. Xukunka Sacudi Arabia waa xukunaka ugu cadaalad xun dunida, wadaadada Wahaabiya ee kula shuraakey xukunka waa kuwa ‘Fatwooyinka’ u soo saara oo dadka ku yidhaahda dawladeennu shareecad bay ku socotaa.

 

 

Maxkamadha Islaamka ee Muqdisho waxay ku noolyihiin oo haystaan dhulkii iyo khayraadkii dadka masaakiinta aha ee Shabeelooyinka. Waa maxay Shareecadda ay wataan hadii ayba xaaraan ku noolyihiin? Jawaabtu waxa weeye Kitaabkii Maxamed Bin Cabdi Wahaab ayay akhriyeen oo shareecadoodu waa ta Sacuudiga oo kale. Haddii kale waxay ku bilaabi lahaayeen inay dadkaa masaakiinta ah xaqooda u soo celiyaan oo weliba raalli gelin siiyaan.

 

 

Arrin Muhiim ah:

 

 

Aad bay u sahlantahy inuu qof ku ku qayliyo “Shareecadda ha la isku xukumo” laakin aad iyo aad bay u adagtahay inuu NAFTIISA ku dabaqo Shareecadda oo iska safeeyo Karaahiyadda, Xaasidnimada, Iftikhaarka, Beenta, Namiimada, qabyaalada, etc. Jihaadka runta ahi waa kaa. Qofkii isku dayey baa garanaya waxaan ka hadlayo.

 

sarmadshaykh@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sxb ,, i'm basically against those so called ICU but your topic doesn't make sense at all and you are completely wrong to say it in this way.

 

Probably you copied this topic but if you believe every word in it ,,, i'm afraid you are in troubles.

 

Shareecada Ilaahay baa iska leh maxkamaduhuna shaqo kuma laha ,, wahaabiyana wax xidhiidh ah lama laha ,,,,, xukunka shareecada waa la yaqaanaa waxa uu yahay mana aha sida adigu aad u fahansan tahay ee ah gacmo la jarjaro iyo wixii la mid ah oo keliya ee waa nidaam nololeed oo dhamaystiran wax nusqaan ahna aan lahayn haba yaraatee.

 

Sucuudigu shareecada waxba kuma xukumaan hadaad adigu u haysato waana kuwa ugu daran ee diinta sawirka xun ka bixiya isuna muujiya inay iyagu keligood fuliyaan ,,,,,

 

Shareecada ha la isku xukumo waa xaq waana wax loo baahan yahay mar kasta iyo xilli kasta mana aha qofku diinta ha ku dhaqmo oo ha tukado uun ee waa nidaam siyaasadeed oo dhamaystiran hadii aanad adigu aqoonin ,,,,,

 

Sxb ,, i think inaynu waxyaabo farabadan isku aragti ka nahay laakiin yaanay ina jiidanin oo aanay inagu kelifin inaynu diinta been ka sheegno ama aynu si khalad ah u turjunno ,,,,, maxkamahudu wax diin ah oo ay dadka ku xukumaan ma jirto haba yaraatee laakiin way yidhaahdaan diintaanu dadka ku xukumaynaa ,,,,, xukunka ay sheegayaana wuxuu noqday in idaacad heesaha laga joojiyo,, shaneemooyin la weeraro iyadoo ay qaar keleba furan yihiin iyo dadka laga tirada badan yahay oo xadka lagu oogo ,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

JecelBaro thanks that is what I call Maskah Fiyow iyo Somalifiyow....for get about these unretional, mindless beings and their wahabiya call.

 

thanks a ziliontimes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this