Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Xasilinaysa degaannada Hirshabeelle ee laga xoreeyay Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1724159330727.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa guddoomiyay shir ku saabsan Xasillinta degaannada Hirshabelle oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Shirkan oo ku saabsanaa sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa, loona qiimayn lahaa mashaariicda ka socota degaannada Hirshabelle, ayaa lagu lafa-guray muhiimadda barnaamijka xasillinta iyo wax-ka-qabashada baahiyaha dadkaasi iska dulqaaday argagixisada.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa warbixin ka siiyay Xukuumadda safarkii uu dhawaan ku soo maray inta badan degaannada Hirshabelle oo sida uu sheegay ahaa u-kuur-gelidda xaaladda dadka degaannada la xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa dhankiisa xusay in Xukuumaddu ahmiyad wayn siinayso sidii dadkaas u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, biyo nadiif ah iyo dhismaha maamulka degmooyinka iyo laamaha amniga.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo Xasilinaysa degaannada Hirshabeelle ee laga xoreeyay Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this