Jacaylbaro Posted November 27, 2008 Afhayeenka madaxweynaha dawlada kumeelgaadhka ah oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa sheegay in madaxweynuhu qaadacay heshiiska ka dhacay dalka Jabuuti,heshiiskaas oo ay wada saxiixdeen xubnaha dawlada ugsa qayb galaya wadahadaladaas,iyo weliba kooxda mucaaradka ee garabka Sheekh Shariif. Madaxweyne Yuusuf oo si lama filaan ah u yimid Garoowe,iyadoo la fialyey inuu ka qayb galo dib u heshiisiinta ka socota Jabuuti,ayaa la filayaa inuu mudo sii joogo Puntland,waxaana safarkiisa ku weheliya safiirka Yemen oo u socda sii daynt markabka laga leeyahay dalka Yemen. Diidmada ka timid madaxweyne Yuusuf ayaa sii murginaysa khilaafka ka dhexeeya madaxda sare ee dawlada,isagoo heshiiskaas uu goob ka ahaa ra'iisul wasaaraha dawlada kumeelgaadhka ah Nuur Cadde. Heshiiskaas ayaa la isla qaatay in 275-xubnood oo cucub lagu buuriyo baarlamaanka,kuwaas oo noqon doona 550 oo xubnood. "Hogaanka sare ee dalka sida Madaxweynaha, Afhayeenka Baalamaanka iyo Ra'iisul wasaaraha waxay ku imanayaan doorasho, waxaana dooranaya baalmaaanka cusub,isla markaana 200 xubnood waxay ka imaanayaan dhinacayaga,meesha 75-xubnood ay ka imaanayaa bulshada inteeda kale" sidaa waxaa saxaafada u sheegay C/raxmaan C/shakuur oo ah afhayeenka ururka dib-u-xoreynta Soomaaliya. "Doorashada madaxda sare ee dawladu waxay dhacaysaa bisha koowaad ee sanadka danbe,oo bil kali ahi inaga xigto,2-sano ayaa dawladaasi jiraysaa,waxayna diyaarinaysaa doorashooyin xor ah,waxaana la diyaarin doonaa dastuurkii rasmiga ahaa"ayuu yidhi C/raxmaan C/shakuur oo hadlkiisa sii wata. Heshiiskan ayaa waxa dhinaca kale qaadacay Alshabaab,iyo garabka Xassan Daahir Aweys,waxaana adkaan doonta hirgelintiisa. Afnugaal News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites