Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Xoojinta Amniga Gobolka Mudug oo Maanta lagu qabtay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240820_125037202.jpg?resize=840

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa Maanta Shir-guddoomiyay Shir ku saabsan Xoojinta Amniga Gobolka Mudug oo ka qabsoomay Gaalkacyo.

Qoraal ka soo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in Shirka oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo looga hadlay Xoojinta Amniga Gobolka Mudug, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shirka ay ka qayb galeen Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Guddoomiyaha Gobolka, Duqa Gaalkacyo iyo Saraakiisha heer Gobol.

“Shirka oo ka qabsoomay madaxtooyada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Guddoomiyaha Gobolka, Duqa Gaalkacyo iyo Saraakiisha heer Gobol.”

“Mas’uuliyiinta kaladuwan ee Dawladda ayaa maalmihii Magaalada Gaalkacyo ka wada shaqooyin dib-u-eegis Howlaha Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri Qoraalka Baarlamaanka.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan Xoojinta Amniga Gobolka Mudug oo Maanta lagu qabtay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this