Sign in to follow this  
Deeq A.

War-Saxaafadeed: Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo Shir ballaaran ku yeeshay magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1724149917067.jpg?resize=720%2C48

Nairobi: 20 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Dowladda Puntland iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha oo maanta ku qabsoomay Nairobi.

Wakiillada beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ka qeybgalay Shirka ayaa kala ah : UN, Midowga Europe, Canada, Germany , UK, Sweden , Netherlands, Finland, Denmark, Norway , Switzerland, France , USAID, World Bank iyo African Development Bank.

Dowladda Puntland Ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka ka socda Puntland gaar ahaan Amniga,  horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada , dimuqraadiyadda iyo fursadsiinta dhallinyarada iyo Haweenka.

Sido kale Dowladda Puntland waxay beesha caalamka kala hadashay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha iyo in la hubiyo in deeqaha Beesha Caalamku ay si siman u gaaraan dadka loogu talagalay.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhinacooda Puntland ugu hambalyeeyay hirgelinta hanaanka dimquraadiyadda Puntland soona dhoweeyay xoojinta wada shaqeynta.

Madaxweynaha  waxaa kulanka kala qeybgalay xuhno ka mid ah Golaha Xukuumadda , La-taliyeyaal Madaxweyne iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

-DHAMMAAD-

FB_IMG_1724149964615.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1724149934247.jpg?resize=720%2C60 FB_IMG_1724149990206.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1724149973334-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1724149921502.jpg?resize=720%2C43 FB_IMG_1724149950960.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1724149917067-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1724151219363.jpg?resize=720%2C74

The post War-Saxaafadeed: Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo Shir ballaaran ku yeeshay magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this