Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu wasiirka maaliyaddu ka yiri cabashada ganacsatada Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa waxaa xirnaa qeymo kamida suuqa weyn ee Bakaaraha, waxayna ganacsata qaarkood oo halkaas dibedbax tamasho ah ka dhigey sheegeen inay jiraan culayso lagu hayo oo aanaysan u dulqaadan karin.

Shaqa joojinta ay ganacsatadu sameeyeen ayaa ku soo beegantay maalintii uu dhaqan-galayay hannaanka canshuuraha iibka oo dowladdu ay dhowaan soo rogtay, waxayna arrintaasi dhalisay hadal-hayn ah in ganacsatadu ay diidanyihiin canshuurtaas la soo kordhiyay.

Haddaba wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay inaysan ganacsatadu diidanayn bixinta canshuurta, balse ay cabasho ka yihiin dhibaatooyin kale oo lagu hayo, ayna mudanyihiin in looga garaabo oo laga dulqaado.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dhibaatooyinkaas qaarkood ay dowladdu wax ka qabatay oo xallisay, kuwa dhimanna hadda lagu howlanyahay sidii meesha looga saari lahaa dhammaantood.

Ganacsatada oo kamida halbowleyaasha dakhliga kuwa, ahna canshuur bixiyaasha koobaad ee dalka ayaa qadyaan ka jooga culaysyo badan oo dhinacyo kala duwani ay ku lugleeyihiin, waxaana dowladda looga fadhiyaa inay cabashadooda u xalliso si lamida Bajaajlayda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this