Sign in to follow this  
Liibaan

Wardheernews: Maamulka Faroole oo Sas ka Qaadday Saxaafadda Xorta ah

Recommended Posts

Liibaan   

Tan iyo intii uu madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole la wareegay hoggaanka dawlad goboleedka Puntland, waxaa isa soo taraya xadgudubyada iyo cabudhinta lagu hayo saxaafadda xorta ah ee ka hawl gasha Puntland, hadday yihiin kuwa gudaha ama weriyayaasha wakaaladdaha iyo idaacadda dibadda uga soo warama deegaanada Puntland

 

 

 

 

 

Waxaa cad in maamulka Faroole uu sas iyo xasaasiyad ka qabo saxaafadda xorta ah. Awaamiirta ay hadda wasaaradda warfaafinta ee Puntland ku mamnuucayso in saxaafadda Puntland faafiyaan wararka mucaaradka Puntland, waa arrin si cad xadgudub ugu ah xoriyadda hadalka ee uu jidaynayo dastuurka Puntland.

 

Waxaa muuqata in maamulka Faroole uu colaad weyn u hayo saxaafadda xorta ah ee ka hawl gasha Puntland. Waxaa mar walba soo ifbaxaya dhacdooyin iyo xad gudubyo is daba joog ah oo ay xukuumadda Puntland kula kacayso saxaafadda madaxa bannaan.

 

Waxaa dad badan la yaab ku noqotay in madaxweyne Faroole oo muddo badan ku noolaa qurbaha, islamarkaana qoyskiisu gacanta ku hayo qaybo ka mid ah warbaahinta Puntland, aadna uga war haya hannaanka ay saxaafadda xorta ahi u dhaqanto iyo kaalinta ay kaga jirto dawlad wanaagga iyo ilaalinta hab dhaqanka dawladnimo, uu xilligan dagaal aan gabbasho lahayn ku qaaddo saxaafadda.

 

Waxaa caado u noqotay muddooyinkan dambe in madaxweyne Faroole iyo maamulkiisu ay had iyo jeer saxafiyiinta xabsiyada u taxaabaan ama shaqada ka joojiyaan, iyagoo ugu marmarsiiyoonaya in qof aanay raalli ka ahayn maamulku ay wareysteen ama war aanay jeclaysan ay baahiyeen.

 

Tacaddiyadan oo ah kuwo taxane ah oo soo noqnoqda ayaa waxaa ugu dambeeyay xadhiga loo geysta dhawaan agaasimihii idaacadda Horseed Media Md.Cabdifataax Jaamac Mire, iyadoo si degdeg ah oo aan sharciga waafaqsanayn loogu xukumay 6 sano xarig ah. Arrintaas oo iyana si cad u muujinaysa xaaladda uu ku sugan yahay garsoorka Puntland.

 

Waa nasiib darro halkii ay dawlad goboleedka Puntland wax ka qaban lahayd dhibaatooyinka la soo darsay waayadan dambe in ay xalka ka raadiso marinno khaldan oo sumacad xumo mooyaane wax kale oo ay ka faa’idayaan aanu jirin.

 

Khataraha soo wajahay Puntland waxaa habboon in maamulku la yimaaddo tabihii uu kaga badbaadi lahaa, halka uu ka sii abuurayo dhibaatooyin kale oo sii murginaya xaaladda ka aloosan Puntland.

 

Waa in Faroole iyo maamulkiisu aqoonsadaan in xilligii ammaanta iyo buunbuuninta mas’uuliyiinta laga soo gudbay, saxaafadduna ay tooshka ku ifin doonto dhacdo kasta oo u qalanta in laga warramo, maamulku ha jeclaado ama ha necbaadee.

 

Xigasho Wardheernews.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Faroole uu sas iyo xasaasiyad ka qabo saxaafadda xorta ah. Awaamiirta ay hadda wasaaradda warfaafinta ee Puntland ku mamnuucayso in saxaafadda Puntland faafiyaan wararka mucaaradka Puntland, waa arrin si cad xadgudub ugu ah xoriyadda hadalka ee uu jidaynayo dastuurka Puntland

Well said..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this