Liibaan Posted August 17, 2010 Tan iyo intii uu madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole la wareegay hoggaanka dawlad goboleedka Puntland, waxaa isa soo taraya xadgudubyada iyo cabudhinta lagu hayo saxaafadda xorta ah ee ka hawl gasha Puntland, hadday yihiin kuwa gudaha ama weriyayaasha wakaaladdaha iyo idaacadda dibadda uga soo warama deegaanada Puntland Waxaa cad in maamulka Faroole uu sas iyo xasaasiyad ka qabo saxaafadda xorta ah. Awaamiirta ay hadda wasaaradda warfaafinta ee Puntland ku mamnuucayso in saxaafadda Puntland faafiyaan wararka mucaaradka Puntland, waa arrin si cad xadgudub ugu ah xoriyadda hadalka ee uu jidaynayo dastuurka Puntland. Waxaa muuqata in maamulka Faroole uu colaad weyn u hayo saxaafadda xorta ah ee ka hawl gasha Puntland. Waxaa mar walba soo ifbaxaya dhacdooyin iyo xad gudubyo is daba joog ah oo ay xukuumadda Puntland kula kacayso saxaafadda madaxa bannaan. Waxaa dad badan la yaab ku noqotay in madaxweyne Faroole oo muddo badan ku noolaa qurbaha, islamarkaana qoyskiisu gacanta ku hayo qaybo ka mid ah warbaahinta Puntland, aadna uga war haya hannaanka ay saxaafadda xorta ahi u dhaqanto iyo kaalinta ay kaga jirto dawlad wanaagga iyo ilaalinta hab dhaqanka dawladnimo, uu xilligan dagaal aan gabbasho lahayn ku qaaddo saxaafadda. Waxaa caado u noqotay muddooyinkan dambe in madaxweyne Faroole iyo maamulkiisu ay had iyo jeer saxafiyiinta xabsiyada u taxaabaan ama shaqada ka joojiyaan, iyagoo ugu marmarsiiyoonaya in qof aanay raalli ka ahayn maamulku ay wareysteen ama war aanay jeclaysan ay baahiyeen. Tacaddiyadan oo ah kuwo taxane ah oo soo noqnoqda ayaa waxaa ugu dambeeyay xadhiga loo geysta dhawaan agaasimihii idaacadda Horseed Media Md.Cabdifataax Jaamac Mire, iyadoo si degdeg ah oo aan sharciga waafaqsanayn loogu xukumay 6 sano xarig ah. Arrintaas oo iyana si cad u muujinaysa xaaladda uu ku sugan yahay garsoorka Puntland. Waa nasiib darro halkii ay dawlad goboleedka Puntland wax ka qaban lahayd dhibaatooyinka la soo darsay waayadan dambe in ay xalka ka raadiso marinno khaldan oo sumacad xumo mooyaane wax kale oo ay ka faa’idayaan aanu jirin. Khataraha soo wajahay Puntland waxaa habboon in maamulku la yimaaddo tabihii uu kaga badbaadi lahaa, halka uu ka sii abuurayo dhibaatooyin kale oo sii murginaya xaaladda ka aloosan Puntland. Waa in Faroole iyo maamulkiisu aqoonsadaan in xilligii ammaanta iyo buunbuuninta mas’uuliyiinta laga soo gudbay, saxaafadduna ay tooshka ku ifin doonto dhacdo kasta oo u qalanta in laga warramo, maamulku ha jeclaado ama ha necbaadee. Xigasho Wardheernews. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted August 19, 2010 Faroole uu sas iyo xasaasiyad ka qabo saxaafadda xorta ah. Awaamiirta ay hadda wasaaradda warfaafinta ee Puntland ku mamnuucayso in saxaafadda Puntland faafiyaan wararka mucaaradka Puntland, waa arrin si cad xadgudub ugu ah xoriyadda hadalka ee uu jidaynayo dastuurka Puntland Well said.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted August 19, 2010 ^ Further evidence of how weak the SSDF enclave is. Quote Share this post Link to post Share on other sites