Sign in to follow this  
Deeq A.

Jarmalka oo soo mustaafurinaya nin Soomaali ah oo madaxa ka gooyay wiil ay saaxiibo ahaayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Jarmalka ayaa lagu wadaa inuu dalkiisa ka mustaafuriyo nin Soomaali ah oo muhaajir ah oo  madaxa ka gooyay nin saaxiibkii ah gudaha Jarmalka, in kastoo dacwad oogayaasha ay ka digayaan in Jarmalka laga mustaafuriyo – sababtoo ah waxa ay sheegeen inuu ku soo noqon doono dalkaas.

Mursal Maxamed Saciid, oo 24 jir ah, ayaa bishii July 2021 ku dilay magaalada Regen ee gobolka Bavaria, Alex K. oo 52 jir ahaa.

111 mar ayuu mindi ku dhuftay dhibanaha ka hor inta aanu madaxa ka jarin. Ninkaan ayaa markii dambe u sheegay baadhayaasha in uu rumaysnaa in saaxiibkii ay haysteen laba jinni oo uu ku khasbanaaday in uu dilo.

Dilkiisu wuxuu ahaa mid aad u argagax badan, iyadoo qofka la dilay ay mindhiciradiisu kasoo daateen isagoo nool, warbaahinta Jarmalka ayaa xilligaas sheegtay.

Hay’adaha socdaalka Jarmalka ayaa doonaysa inay sida ugu dhaqsaha badan ugu celiyaan dalkiisa hooyo ee Soomaaliya, balse dacwad oogayaasha ayaa ka walaacsan, sababta oo ah waxay u maleynayaan in dembiilaha uu kusoo laabanayo Jarmalka , sida uu qoray wargeyska Bild.

Dhawr toddobaad uun ka dib markii uu dilay saaxiibkii, ninka Soomaaliga ah waxa uu isku dayay in uu ka baxsado cisbitaal ku yaalla Bavaria halkaas oo lagu hayo.  Eedeysanaha waxa uu sameeyay isku daygii labaad ee baxsadka todobaadkii hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this