Sign in to follow this  
Deeq A.

“Wakhtigii madaxweynaha loo kordhiyay waa dhammaanaya, mar ayaa la kordhiyay mar labaad sharcigu ma ogola, caqliga saliimka ahina ma ogolanaayo…” Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanay jirin wax muddo kordhin ah, isla markaana qorshahoodu yahay in sharciga la ilaaliyo doorashana la qabto dalkana la difaaco.

Waxaanu yidhi.“Laba qodob ayaynu isku raacsanahay difaaca Qaranka talo wadaaga iyo doorashaduba waa laba, wakhtigii madaxweynaha loo kordhiyay waa dhamanaya, mar ayaa la kordhiyay mar labaad sharcigu ma ogola, caqliga saliimka ahina ma ogolanaayo, culeysna wuu ina haystaa, hase ahaate waxa ay dantu noqotay in aynu sharciyadeenana illaashano oo doorasho qabano dalkeenana difaacno.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland, ayaa uquus gooyay madaxweynaha Soomaaliya iyo xulafadiisa, waxaanu wacad ku maray inay Somaliland iska celinayso dhibtay doonto haw marte.

Waxaanu yidhi.“Waxaan ka hadlay dowladdaha aan garan la’ahay halka ay inagala qaadeen, ee odhanaya Soomaaliya waa mid, waata Xamar joogta oo kaliya, dowladahaasi ma indha’la, dowlad kasta waxay eegta danteeda ee cadaaladda ma eegto, Masarta inoo hanjabaysa waxay furi kari wayday meesha Rafac la yidhaahdo ee cuntadu u soomari lahayd Falastiiniyiinta.

Ninka Xasan Sheekh la yidhaahdo ee Xamar jooga ayaa Masaajid ILLAAHEY lagu caabudo ka hadlay, wixii uu ku hadlayna runna may ahayn, cadaaladna may hayn, garna may ahayn, Minberkii sheekhu ka ducaynayayna wuu taagnaa, Itoobiya haddii ay wada hadlayaan maxaa badda Somaliland soogeliyay may wax kale kawada hadlaan, bada uu sheeganayaana waa Badda Cas ee ay Somaliland, leedahay, markaliya odhan mayo Somalilandba wax geysatay iyo Somaliland ayaa naga go’aysa, Somaliland ma soo qaadayo, wuxu u qaba wixii dhacay in aanay dhicin, ee caalamku markhaatiga ka ahaa ee ta Qasa ka adkeyd in aanay cidhin indhaha ayuu iska tiraya.

Waxa uu iska indha  tiraya in Somaliland iyo Soomaaliya 34 sanadood kala laba dowladeed ahaayeen, oo aanay waxba wadaagin, distoor ma wadaagno, dowlad ma wadaagno, Diinta Islaamka iyo Afka ayaa innaga dhaxeeya, hadana waxa uu leeyahay aniga ayaa xukuma ee maa la ii soo maro, waxaana ugu marag furaya dowladdo ay ka mid yihiin Qadar iyo Turkey, Jabuuti, iyo Masar.

Somaliland waxa loo diidan yahay waa dowlad waliba danteeda ayaanay ka dhex arkayn horumarka Somaliland.

Dig digta Xasan Sheekh iyo qolada danihiisa u daba joogta way innagu daalayaan, dagaalkoodana waanu iska celinaynaa, dhibaato kastana waanu u maraynaa, horeba aabayaashiin ayaa u soo maray, awoowyaashiin ayaa u soo maray,  waliba Saraar iyo Caynaba oo aan imika ka hadlayo taariikhdeedada waa la yaqaana.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this