Liqaye Posted January 15, 2004 HobyoNet Khmiis,15-Jan-04. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inuu xalay magaaladaasi ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeya labada maleeshoyo oo kala taageersan Gudoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Xoghayihiisa Guud ee Isbaheysiga Mr. Deeq Cali, waxaana la sheegay in iska horimaadkaasi uu ku dhintay hal ruux xalaada amaanka magaaladana ay ka sii dartay, iyadoo uu siyaasado iska soo horjeeda oo u dhaxeeya labada nin ayaa la sheegay iney salka ku heyso, qal-qalka iyo deganaasho la.aanta maalmahaan dmabe soo food saartay magaalada Kismaayo, Mr. Deeq cali ayaa ahaa wakiilka Isbaheysiga u matalaayay Shirka Mbagathi laguna eedeeyay inuu ku biiray Golaha SRRC-da Gacan saarna la leeyahay Dowlada Ethiopia,ayaa dhowaan soo gaaraya magaalada Kismaayo wuxuuna Gudoomiyaha ku eedeeyay inuu ku shaqeeynaayo kali talisnimo isagoo ku biiray Golaha samatabixinta wada tashi la,aan wuxuuna sheegay inuu isagu mas,uul ka yahay dhibaatada ,dagaalada ,isbaarooyinka iyo Isku dhacyada u dhaxeeya beelaha magaalada wada dega, waxaana laga dhex wadaa waan-waan u dhaxeysa labada mas,uul oo ay ku lug leeyihiin Waxgarad iyo Culimaau,diinka degaanka. Quote Share this post Link to post Share on other sites