Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda difaaca Ruushka oo warbixin ka soo saartay dagaalkii ka dhacay gobolka Kursk ee dalka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1723987276320.jpg?resize=720%2C48

Iska horimaadyo xooggan ayaa ka socda 24 saac ee la soo dhaafay gobolka Kursk ee dalka Ruushka oo ah gobolkii u horreyay ee gudaha Ruushka oo ay ka dhex dagaallamaan ciidanka Ukraine .

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa soo saartay warbixin ay uga hadashay khasaaraha ay gaarsiiyeen ciidanka Ukraine oo taageerrada ka helaya NATO oo muddo 12 maalin ah gudaha ugu jira dhulka Ruushka;

In ka badan 300 oo askari oo Ukraine  ah ayaa la dilay 24 saac ee u dambeysay waxaana laga burburiyay 27 baabuur oo ay ku jiraan 6 taangiyo.

Militariga Ruushka oo iska horimaad toos la galay ciidanka Ukraine ayaa awooday inay gudaha u galaan koonfurta magaalooyinka Alekseevskoe, Safonovka iyo Sheptokhovka ee jihada gobolka Kursk.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay khasaaraha guud ee soo gaaray ciidanka Ukraine tan iyo markii ay gudaha u galeen gobolka Kursk;

Warbixinta Ruushka ayaa sidoo kale lagu sheegay tan iyo markii ay gudaha u galeen Kursk in Ciidanka Ukraine laga dilay 3,460 dhimasho ah halka 50 taangiyo ah laga burburiyay,

Waxaa kalo jira saanad militari iyo askar laga qabtay ciidanka Ukraine oo tirada aan lagu muujin warbixinta, Wasaaradda difaaca ee Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda difaaca Ruushka oo warbixin ka soo saartay dagaalkii ka dhacay gobolka Kursk ee dalka Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this