Sign in to follow this  
General Duke

Chinese government to support TFG...

Recommended Posts

Dolwadda Chinaha oo sheegtay in ay taageereyso dowladda FS

 

Beijing 07 April. 06 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda Shiinaha Huujintaaw ayaa waxa uu sheegay inuu taageerayo dowladda FS si ay horey ugu sii qaado waxa uu ku sheegay geediga colaada loogu badalanyo Nabadda .

 

 

 

Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalle Saalax iyo Madaxweynaha China Hu jintao

 

 

Huujintaaw oo shalay ay ku kulmeen isaga iyo Madaxweynaha Yemen Magaalada Beijing ayaa carabka ku adkeeyay inuu gacansiin doono Xukuumadda Soomaaliya si ay u guda gasho dib u dhiska iyo xal u helida ammaanka oo horseedi karta horumar laga gaaro deganaansho xumada mudada dheer Soomaaliya ka jirtay.

 

Madaxweynaha Yemen Cali C/lla Saalax oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa xusay dadaalada Xukuumadiisa ay weli ugu jirto dib u heshiisiinta iyo xal u raadinta Nabadda Soomaaliya .

 

 

Hu jintao, Madaxweynaha dalka Shiinaha

waxa uu tilmaamay in xaalad deganaansho ah oo laga helo Soomaaliya ay mataleyso geeska afrika iyo Caalamka oo ka xasila xasarrado ku soo fool lahaa , waxaase uu ka digay in Soomaaliya looga tago Marxaladda ammaan xummo ee iminka ay lugta kula jirto oo uu sheegay inay ka dhigi karto bar iyo Fariisin ay leeyihiin kooxaha asalraaca iyo kuwa argagaxisada , waxaana uu ka codsaday beesha Caalamka inay gacan qabtaan shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed si loogu talaabsado qorshayaasha dib u dhiska iyo howlgelinta hey'adaha qarameed ee burburay.

 

 

Shabelle Media Network, China

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this