General Duke Posted April 7, 2006 Dolwadda Chinaha oo sheegtay in ay taageereyso dowladda FS Beijing 07 April. 06 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda Shiinaha Huujintaaw ayaa waxa uu sheegay inuu taageerayo dowladda FS si ay horey ugu sii qaado waxa uu ku sheegay geediga colaada loogu badalanyo Nabadda . Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalle Saalax iyo Madaxweynaha China Hu jintao Huujintaaw oo shalay ay ku kulmeen isaga iyo Madaxweynaha Yemen Magaalada Beijing ayaa carabka ku adkeeyay inuu gacansiin doono Xukuumadda Soomaaliya si ay u guda gasho dib u dhiska iyo xal u helida ammaanka oo horseedi karta horumar laga gaaro deganaansho xumada mudada dheer Soomaaliya ka jirtay. Madaxweynaha Yemen Cali C/lla Saalax oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa xusay dadaalada Xukuumadiisa ay weli ugu jirto dib u heshiisiinta iyo xal u raadinta Nabadda Soomaaliya . Hu jintao, Madaxweynaha dalka Shiinaha waxa uu tilmaamay in xaalad deganaansho ah oo laga helo Soomaaliya ay mataleyso geeska afrika iyo Caalamka oo ka xasila xasarrado ku soo fool lahaa , waxaase uu ka digay in Soomaaliya looga tago Marxaladda ammaan xummo ee iminka ay lugta kula jirto oo uu sheegay inay ka dhigi karto bar iyo Fariisin ay leeyihiin kooxaha asalraaca iyo kuwa argagaxisada , waxaana uu ka codsaday beesha Caalamka inay gacan qabtaan shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed si loogu talaabsado qorshayaasha dib u dhiska iyo howlgelinta hey'adaha qarameed ee burburay. Shabelle Media Network, China Quote Share this post Link to post Share on other sites