Sign in to follow this  
Deeq A.

dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay cabashadii baajaajleyaasha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ayadoo labadii todobaad ee la soo dhaafay wadeyaasha gaadiidka loo yaqaanno Bajaajtu ay dhigeen dibedbaxyo cabasho ah oo ku saabsanaa qidmadda oggolaansha darawalnimo oo lagu kordhiyay ayaa waxaa arrintaas qodobo xal u ah soo saaray wasaaradda gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Benaadir.

War saxaafadeed warbaahinta loo akhriyay oo arrintaas ku saabsan ayaa lagu sheegay in lacagta lagu goosto oggolaansha mooto wadista laga dhigey $106.5 dollar, kaas oo aan dhacayn muddo 5 sano ah, haddii muddadaasi dhammaatona lagu cusboonayn karo $32.

Sidoo kale wasaaradda gaadiidka iyo maamulka Gobolka Benaadir ayaa sheegay in Bajaajlihii ay warqadda oggolaanshaha wadistu ka luntaahi uu ku soo daabacan karo lacag $20 ah, halka qidmaddii laga qaadi jiray daweyaasha marka la baarayo bedqabka araggooda oo horay u ahayd $25 dollar hadda laga dhigey $15 dollar.

War saxaafadeedka waxaa lagu xusay in aan Baajleyda la cadaadin Karin, lacagta sharci darro ahna laga qaadi karin, balse uu gef waddo marista la  xariira geysto ay ganaaxayaan Ciidamada nabad-gelyada jidadku, islamarkaana laga qaadi doono qidmad $5 dollar ah.

Wadeyaasha cusub ayaa sidoo kale laga rabaa inay imtixaan waddo marista la xariira galaan, warqadda dembi baarista oo $10 ah la yimaadaan, ayadoo dugsiyada baabuur wadista lagu bartay lagu amray inaysan $40 ka badan ka qaadi karin dadka xirfaddaas baranaya.

Qodobadan ayaa fududayn kara culaysyada haysta wadeyaasha gaadiidka Bajaajta oo maalmihii la soo dhaafay ka cabanayay qidmadda oggalaanshaha gaadiidka wadista oo lagu kordhiyay iyo lacago aan sharci ahayn oo si joogto ah looga qaado.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this