Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Amnigii Muqdisho ayaa gacanta ka baxay Xasan Sheekh ma qaban karo doorasho qof iyo cod ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240818_110858799.jpg?resize=100

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan magaalada Muqdisho ka qabsoomi karin doorashada qof iyo cod ee uu sheegay in uu dalka gaarsiinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa shaaciyay in ammaanka Muqdisho uu faraha ka baxay islamarkaana aan halkaasi laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah.

Wasiir Dirir ayaa tilmaamay in xaaladda ammaanka oo gacanta ka baxday darteed aysan 10 qof oo keliya ku kulmi karin meel kamid ah magaalada Muqdisho sidaasi darteedna aysan dowladda Xasan Sheekh halkaasi ka qaban karin doorasho qof iyo cod ah.

“Amnigii magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay ganacsatadii ayaa shaqadii joojisay kadib markii dowladdu amnigooda sugi weyday oo ay u adkeysan waayeen dulmiga iyo baadda nabad-diidku ka qaadayaan iyadoo aysan 10 qof meel isugu imaan karin amni-darrada Muqdisho” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyay “doorasho qof iyo cod ah ban qabanayaa buu lee yahay amnigii Muqdisha-ba gacan kuma hayo oo Ceelasha biyaha iyo Ex-Kantarool Balcad dowladdu ma tegi karto.”

PUNTLAND POST

The post Puntland: Amnigii Muqdisho ayaa gacanta ka baxay Xasan Sheekh ma qaban karo doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this