Deeq A. Posted August 18, 2024 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay arrimo ku saabsan howlgalka cusub ee la qorsheynayo in Midowga Afrika uu Soomaaliya ka bilaabo sannadka soo socda ee 2025. Afhayeenka wasaaraddda arrimaha dibadda Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa ayaa soo saaray digniin culus oo la xidhiidha howlgalkaas, wuxuuna jeediyay in laga digtoonaado waddamada kuu biiraya oo ay kamid tahay Masar oo ay haatan is hayaan Itoobiya. “Soomaaliya dowladdeeda ayaa go’aanka iska leh cidda ay doonto inay la gasho heshiis dhinaca amniga ah sababtoo ah waxay horay heshiis amni ula gashay dowlado kale oo ay kamid ah yihiin Itoobiya Uganda, Kenya iyo Imaaraadka Carabta” ayuu yidhi. Afhayeenku wuxuu hoosta ka xariiqay inay haboon tahay in si aad ah looga foojignaado ciidamada cusub ee lagu darayo howlgalkan, si looga digtoonaado colaad horleh ka abuuranta gobolka Geeska Afrika. “Waxaan soo jeedineynaa oo dowladda Itoobiya ay aamisan tahay in lasoo jeediy talada ah in aad looga fiirsado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabanaya sanadka dambe, dalalka ciidamada ku yaboohaya in aad loo fiirsado” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu ku hanjabay haddii ay dareemaan halis inay si toos ah usoo farogelin doonaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Source Share this post Link to post Share on other sites