Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbullaah oo gantaallo ku garaacday Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa gantaallo ku garaacday waqooyiga Israa’iil, kadib weerar ay Israa’iil ku qaadday magaalada koonfureed ee Nabatiyah oo ay ku dhinteen 10 qof.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ilaa 50 gantaal lagu garaacay magaalada Ayelet HaShahar ee waqooyiga dalkaasi. Ma jiraan wax khasaaraha ah oo ilaa hadda la soo sheegay.

Wasiirka caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad, ayaa BBC u sheegay in dhismaha la weeraray ee dalkaasi uu yahay xero ay ku jiraan qaxootiga Suuriya.

Balse Israa’iil ayaa sheegtay in ay fulisay weerar ka dhan ah saldhigga hubka ee Xisbullah.

Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan ayaa sii kordhaysay toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii Israa’iil ay Beyruut ku dishay taliye sare oo ka tirsan kooxdaas, kaas oo Xisbullah ay wacad ku martay inay u aargudi doonaan.

Dhanka kale Israa’iil iyo kooxda hubaysan ee Xisbullah ee Lubnaan oo ay Iiraan taageerto ayaa horay iska hor imaadyo ku dhexmareen xadka sagaalkii bilood ee la so dhaafay. Iyadoo wali xiisadda u dhaxaysa ay sii kordhayso.

Haddii iska horimaadku sii balaarto waxaa laga cabsi qabaa inuu isu beddelo dagaal toosa oo dhinacyada dhexmara kaas oo soo jiidan kara maleeshiyaadka ay Iran taageeero ee Ciraaq, Suuriya iyo Yemen.

Wuxu sidoo dagaalku ku faafi Bariga Dhexe oo dhan, waxayna soo galin kartaa dagaalka Maraykanka iyo Iiraan lafteeda oo iyaduna soo farafelin karta.

Waxaa intaa dheer in Iran lafteeda ay wacad ku maray inay u aargudi doonto Ismaaciil Haniya, hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas kaas oo lagu dilay magaalada Tehran.

Xisbullah, oo sidoo kale ah xisbi siyaasadeed, ayaa ah mid awood weyn ku leh Lubnaan. Laakiin si ka duwan Xamaas, Hezbollah ayaa awood u leh inay si dhab ah ugu hanjabto Israa’iil.

Waxa la rumaysan yahay in ay haysato Xisbullaah, hub ka badan 150,000 oo garnaylo iyo gantaallo qaarkood si sax ah loo hago oo awood u leh in ay waxyeello culus gaystaan.

Iran oo iyadu taageerta Xisbulah, waxay si weyn uga soo horjedaa Israa’iil , waxay ku faraxsan tahay inay tababarto oo ay maalgeliso cadawga Israa’iil.

Isticmaalka gantaallada S5 ee Xisbullah ayaa sare u qaaday welwelka Israel ee ku aaddan horumarinta hubka ay deegsanayaan kooxdan.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo Xisbullah ay adeegsato diyaarad aan duuliye lahayn oo ku hubeysan gantaallada, halkii ay ka isticmaali jireen walxaha qarxa oo kooxda Lubnaan ay inta badan adeegsanayeen muddo bilo ah.

Khabiirka millatariga ee reer Lubnaan Janaraal Hisham Jaber, oo ah madaxa Xarunta Barriga Dhexe ee Daraasaadka iyo Xiriirka Dadweynaha, ayaa BBC u sharaxay, “Ganaalada waxa ay gaaraan bartilmaameedka saxda ah marka loo eego bambooyinka laga soo tuuro diyaarad aan duuliye lahayn.”

Shabakad ay Xizbullah ku leeyihiin barta Telegram-ayaa waxaa la soo dhigay sawirka nooca gantaalaha aan la hagi karin ee Ruushka ee S5, kaas oo dhererkiisu yahay 1.4 mitir, miisaankiisuna yahay afar kiilo garaam, isla markaana gaari kara 4 KM.

13-kii May, Shabakadda Al-Mayadeen TV ee Lubnaan ayaa sheegtay in Xisbullah ay markii ugu horreysay shaaca ka qaadday adeegsiga gantaallada cusub ee culus oo lagu magacaabo “Jihad Mughniyeh”. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in ay adeegsadeen diyaarad cusub oo aan duuliye lahayn oo lagu magacaabo “Shahab” si ay u beegsadaan nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil ee lo yaqaano Iron Dome.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this