Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo si adag uga hadlay damaca Itoobiya ku raadinayso badda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-sheekh-750x405-1.jpg?resize=750%2C

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Caawa hadal jeedin sameeyay ayaa mar kale ka hadlay Khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga horyimid damaca dowladda Itoobiya ku raadinayso badda Soomaaliya kadib is afgaradkii ay la saxiixatay maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan Itoobiya Soomaaliyaba u aqoonsaneyn dal jira oo madax banaan, ayna taasi keentay in uu fashilmo shirkii Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sidoo kale sheegay in aysan Taako dhul Soomaaliyeed ah ka tanaasuli doonin, una ogolaan doonin damaca Itoobiyaanka ee bahalnimo.

Halkan ka daawo hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo si adag uga hadlay damaca Itoobiya ku raadinayso badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this