Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf xooggan oo ka dhex taagan Madaxweyne Deni iyo Wasiirka Qorshaynta Puntland Daa’uud Bisinle

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240817_083147124.jpg?resize=709

Khilaaf xooggan ayaa ka dhex taagan Madaxweyne Deni iyo wasiirka Qorshaynta Puntland Daa’uud Bisinle sida ay wararku sheegayaan.

Khilaafkani oo lagu soo warranayo in uu meel sare marayo ayaa soo bilowday kadib markii Madaxweynuhu uu Maxamed Dhabancad u dhiibtay qeyb kamid ah Shaqadii wasaaradda Qorshaynta Puntland.

Maxamed Dhabancad oo ku magacaaban wakiilka Arrimaha Xiriirka Caalamiga ah ayaa tan iyo markaasi la wareegay Shaqadii Wasaaradda ee La-macaamilka Xirirka hay’adaha iyo deeq-bixiyaasha Caalamiga ah.

Wasiir Daa’uud Bisinle ayaa la sheegay in uu xilligaasi aad uga carooday fara-gelinta Madaxweynuhu ku sameeyay Wasaaradda, taasi oo cirka ku shareertay khilaafkooda oo hadda maraya halkii u sarreeyay.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in wasiir Bisinle uu qorshaynayo in uu iska casilo xilka Wasaaradda Qorshaynta Puntland.

PUNTLAND POST

The post Khilaaf xooggan oo ka dhex taagan Madaxweyne Deni iyo Wasiirka Qorshaynta Puntland Daa’uud Bisinle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this