Deeq A. Posted August 15 Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye wuu igu banaan yahay. Shalay waa la ogaa oo ilaa uu Muuse kursiga ku hubsaday guntiga muu furin.Maantana Cabdiraxmaan buu dhisayaa ilaa uu kursiga ku hubsado ha ka filin in uu guntiga furo. Wuxuu u taagan yahay waa MIDNIMADA IYO WADAJIRKA SOMALILAND Waxa la yidhi “maalinba awr baa dhaamiya”. Maantana awrka dhaaminaya nin rag ahi wuu garanayaa nacasna loo sheegi maayo. Bawdo ragna maalinba mid baa qaawane hogaamiyaha Isbedelka Dr Cabdiraxmaan ha loo hiiliyo. Oo hiil iyo hoo iyo codba ha lagu taageero Ali Guray Qaran News Share this post Link to post Share on other sites