General Duke Posted June 17, 2007 Hub lagu soo qabtay Howlgallo Muqdisho laga fuliyay oo la soo bandhigay, kadibna la qarxiyay Axad, June 17, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa howlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen waxay ku soo qabteen hub aad u tiro oo isugu jiray mid culus iyo mid fudud. Hubka ay soo qabteen Ciidamadaas ayaa Jimcihii lagu soo bandhigay Fariisinka ay Ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin deegaanka 6 Biyaano ee Magaalada Muqdisho, iyadoo markii hubkaas la soo bandhigay kadibna lagu wareejiyay Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan. Munaasabaddii Hubkaas lagula wareejinayay Ciidamada AMISOM waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Taliyaha Nabad-sugidda Soomaaliyeed Maxamed Warsame Darwiish. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle oo munaasabaddii hubkaas lagu soo bandhigayay ka hadlay ayaa sheegay in hubkan uu ahaa mid halis ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddiiba hub intan la eg Muqdisho laga soo uruuriyay ay Soomaaliya cagta saartay wadadii Nabadda. Hubkaas oo isugu jiray mid ay tayadiisa xumaatay oo qarka u saarnaa in uu iskiis u qarxo iyo mid weli la isticmaali karo ayay Ciidamada AMISOM markii lagu wareejiyay kadib kala saareen, waxayna intii u dhaweyd in ay qarxaan ay shalay ku qarxiyeen meel u dhaxeysa Deegaanka Jaziira iyo Dugsigii Tababarka Xalane. Intii ay socotay Qarxinta Hubkaas ayay dadka Muqdisho si weyn uga argagaxeen, iyagoo u qaatay in ay dhacayaan Qaraxyo la mid ah kuwii beryahaan ka dhacayay magaalada Muqdisho, inkastoo ay laabta u qabowday kadib markii loo sheegay in qaraxyada dhacay ayaa ahaayeen Hub ay qarxinayeen Ciidamada AMISOM. Hubka ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ku soo qabteen howlgallada ay Muqdisho ka sameeyeen ayaa wuxuu ahaa mid tiro badan oo intii aragtay ay ku dhalatay su’aal ahayd “Muqdisho ma hub intaan la eg ayaa yaalay”, waxaana xusid mudan in hubkaas qaarkiis laga soo saaray Dugsiyo Qur’aanka lagu barto iyo Bakhaaro ay hubka ku keydsan jireen Ganacsatada Hubka ka baayac-mushtari jirtay. Hubka la soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah Qoryaha 105, 106, RPG, BKM, Jiib Gacmeec, B10, Qoryaha Lidka Diyaaradaha, Miinooyin noocyo kala duwan leh, Rasaas tiro badan oo qaarkeed ay sanaadiiq ku jirtay, Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo kuwo aanan magac loo helin oo Soomaaliya ku cusub. Si kastaba arintu ha ahaatee, iyadoo hubkaas ay soo uruuriyeen Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa hadana waxaa magaalada Muqdisho weli ka dhacaya qaraxyo lala beegsanayo fariisimada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, waxayna taasi muujineysaa in uu weli magaalada yaalo hub kale oo ku jira gacan aanan ahayn tan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites