Sign in to follow this  
Deeq A.

WHO oo dirtay digniin caalami ah oo ku aaddan Cudurka Busbus-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo quseysa caafimaadka guud caalamka, kaddib ay shaacisay in cudurka Busbuska uu ka dillaacay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Digniintaan caafimaad ee caalamiga ah ayay Qaramada Midoobay soo saareysaa marki labaad muddo laba sano gudahood ah,iyada oo markan ka digtay in cudurkan uu hadda ku sii faafayo dalalka deriska la ah Congo.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay, in jawaab caalami ah oo la iska kaashaday ay lama huraan u tahay joojinta faafitaanka cudurkan si loo badbaadiyo nolosha dad fara badan.

Cudurka Busbuska ayaa ku faafi kara isu dhawaashaha, iyo taabashada qof xanuunka qabo, wuxuu ku billowdaa qandho, kaddibna isu baddalaa nabro kasoo baxa jirka oo dhan.

Sida ay sheegtay WHO, cudurkan oo kasoo billowday Congo ayaa hadda ku faafay dalalka deriska la ah iyo kuwa u dhaw sida Burundi, Kenya, Rwanda iyo Uganda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this