Gabbal Posted May 25, 2006 Muqdisho:- Caasimad Ayaan Daran oo 16 Sanno oo Fowdo ah kadib marti u noqotay Dagaal Sokeeye oo hormuud ay u yihiin kuwii Shacabka Xasuuqay. Muqdisho, Khamiis, May 25, 2006 (Waagacusub.com) Magaaladda Muqdisho oo mar ahayd mid ka mida Caasimadaha ugu ammaanka Wanaagsan Qaaradda Afrika, isla markaana ahayd Magaalo Bilicsan oo ay u soo daawasho tagaan Dalxiisayaasha Caalamku ayaa haatan noqotay Caasimadda ugu Ayaanka daran Qaaradda Afrika iyo Caalamka oo dhan. Waxaana ay marti u noqotay Fowdo aan dhamaad lahayn, Dagaalo aan Ujeed lahayn, iyo Isbahaysi ku dhisan Dano Dhaqaale, Mid Diimeed iyo Mid Qabiil. Muqdisho waxa ay 16 Sanno kadib Saaka ku waabariisatay dagaal ka qarxay Illaa iyo Dhawr Aag oo kala duwan. Waxaana qof kasta oo ku nool Muqdisho saaka dhagihiisa ay maqlayaan Daryanka Rasaasta Culus ee ay iswaydaarsanayaan Kooxaha Dagaalamaya. Tiiyoo aysan jirin cid adeegsanaysa Istaraatiijiyad Ciidan iyo Bartilmaameed looga badbaadin karo Shacabka Dhibaatadda Dagaalka. Kooxaha Dagaalamaya oo mid kastaa ay ku doodayso in iyada lagu soo duulay ayaa dhinaceeda waxeey ka wadaa abaabulkii dagaal ee ugu dambeeyay. Waxaana ay Koox kastaa ku ridaysaa Dhinaca ka soo horjeeda Qoryo aan loogu talagalin in looga dhex dagaalamo Magaalooyinka. Kuwaasoo dhibaato u gaysanaya Shacabka Rayidka ah. Kumanaan Qoys ayaa Saaka ka barakacay Guryahoodii, iyago aan garanayn meel ay u qaxaan, Waxaa la arkayay Dhaawacyadda iyo Maydka Dad Rayid ah oo guryahoodii ay Rasaas Haboow ah ugu tagtay, Waxaad Wadooyinka ku arkaysaa Dadwayne Raxan Raxan ah oo Alaabooyin yar yar iyo Caruur la qaxayo, kuwaasoo haddii la waydiiyo meesha ay u qaxayaan aan ka jawaabi karin. Laakiin ku jihaysan oo kaliya meeshii ay Cagahooda ku tagaan. Waa Yaab!!! Mararka qaarkood waxaad dareemaysaa in Kooxaha Dagaalamaya aysan ogayn inay ku dhex dagaalamayaan Shacabkoodii, Waxaad moodaa Ciidamo isku dhex haysta Dhul Saxaro ah marka aad aragto Rasaas Habaw ah oo aan loo kala aaba yeelin oo Muqdisho meel kasta tagaysa. Muqdisho oo kadib riditaankii Xukuumaddii Siyaad Barre aan helin Maamul, Nidaam iyo Kala dambayn, waxaan ka qoraa ahaan ku macnayn karaa Magaalo la mid ah Saddex Xagalka Barmuudo oo ah goob aysan dib uga soo laaban Maraakiibta tagta. Waxaana taas ula jeedaa in Muqdisho ay caan ku noqotay inay afka u dhigato Nidaam kasta oo loo so dhoodhoobo. Iyadoo noqotay Magaalo marti u ah Dagaal Oogayaal aan rabin Dawladnimo, Nabad iyo kala dambayn. Sidaasoo ay tahay Muqdisho waxaa ku sugan Aqoonyahano, Culumaa’udiin, Waxgarad iyo Qaybo Bulsho oo damiirkoodii Dadnimo wax ka dambeeyaan, Waxaase dhamaantood ay noqdeen kuwo Daawadayaal ah oo Filimka socda aan wax ka jilin ama si dad ban uga qayb qaata. Sidaas darteed Muqdisho waxaa la oran karaa Magaalo ayaan daran oo aan helin kaalinteedii Caasimadnimo, Dadkeedii dhisan lahaa, Bulshadii Maamulka u samayn lahayd. Taa badalkeedana Muqdisho waxey nasiib u yeelatay Damiir Laawayaal Madaafiic ku garaaca, Fiiqda Laamiyeeriga Daaraha Qurxoon, isla markaana burburaya Bilicda Magaaladda Muqdisho. Mohamed Qanyare Afrax oo ka mid ah qabqablayaasha Dagaalka ee Muqdisho uguna magacaaban Dawladda Federaalka Wasiirka Amniga Qaranka ayaa u sheegay Iddaacadda V.O.A ee Dalka Maraykanka in Muqdisho ay ka wadaan Hawlo Nabadayn ah, ayna la dagaalamayaan Kooxo Argagixiso ah, Wuxuuna ku eedeeyay Madaxda Sare ee Dawladda Federaalka ah inaysan hawshaas raali ka ahayn, sidaas darteedna uu xilka isaga dagayo, waxeey hadaba dad badan iswaydiinayaan Maxeey ku qanci karaan Qanyare iyo Saaxibadiis haddii ay Dhiiga Shacabka ku gaareen Wasiiro iyo Xildhibaano, Walina aysan ku qanacsanayn,? Jawaabta Su’aashaas Waqtiga iyo Inta fahamkoodu sareeyo ayaan u daynayaa. W/Q C/casiis M. Guuleed “Afrika†Quote Share this post Link to post Share on other sites