Sign in to follow this  
Cowke

Puntlands Holds A TFG Meeting Discussing Federalism

Recommended Posts

Cowke   

13. July 2010

 

 

Gudiga sameynta Dastuurka DFKMG ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Jabuuti oo booqasho ku yimid caasimada Puntland ee Garoowe ayaa kulan qado iyo wadahadal ah la qaatay Masuuliyiinta Dowlada Puntland oo u horkacayay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/raxmaan Faroole.

 

Kulankaan oo kusaabsanaa isla eegida iyo talo bixinta Dastuurka cusub ee loo sameynayo DFKMG ee Soomaaliya oo ay qeyb ka tahaya Dowlada Puntland.

 

ayaa waxaa si qoto dheer uga wada hadalay xubno kasocday Gudiga u qaabilsanaa DFKMG sameynta Dastuurka oo ka koobnaa 4-xubnood iyo dhinac Puntland oo ay matalayeen Madaxweyne Faroole,Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Dr.Cabdi Xassan Jimcaale,Wasiiru Dowlaha Maamul wanaaga Mudane Maxamed Farax Ciise Gaashan,Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Caasho Geelle Diiriye iyo Wasiir kuxigeenka Maaliyada Puntland Mudane Cabdi Ibaraahim (Qowdhan).

 

Wadahadaladii kulankaan ayaa diirada lagu saaray sidii iskaashi wanaagsan looga yeelanlahaa sameeynta Dastuurka cusub ee Dowlada TFG,ayadoo dhinac Puntlandna laga doonayay iney arktideeda ka dhiibto sameenta Dastuurka Cusub ee la doonayo iney dhaqan galiyaan dhamaan Maamulada ka jira Soomaaliya oo ay ugu horeyso Dowlada Puntland oo u muuqata xiligaan Maamulka kaliya si buuxda u taagersan DFKMG ee Soomaaliya.

 

Dhinac Puntland ayaa ayana soo bandhigay araktidooda ku aadan sameynta Dastuurka cusub aygoo tilmaamay in loo baahanayahay in si cad loo bal balaariyo Nimaadka Fedaraalka laguna cadeeyo Dastuurka

 

,waxeyna ugu horeyntii ka codsadeen Xubnihii kasocday Gudiga sameenta Dastuurka in loo soo diro nuqul ka mid ah Dastuurka si ay ooga baaran dagaan wax ka badal ama ku daradiisa Dastuurka,sidoo kalena waxeey codsadeen in aad loo xoojiyo awooda Gobolada dalka Soomaaliya oo saldhig u noqondoona Nidaamka Fedraalisimka ee xiligaan u muuqda midka kaliya ee ay umada Soomaaliyada kula nabad galikarto.

 

Ugu danbeentii kulanaasi ayaa la isku afgaratay dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay labada dhinacaba,waxaana dhamaan xubnihii ka qeyb galay kulankaasi ay u muuqdeen kuwo aad ugu faraxasan wixii kasoo baxay wada hadalkoodi,waxaan xusud mudan oo aan horey dhaqanka Soomaalida ugu jirin balse kulanka maanta la isku raacay in Wixii isqabad ah ee la isku afgaran waayo dib loo dhigto loona daayo wadahadal waafi ah ee aan marnaba lagu kala tagin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Federalism doesn’t need to be discussed , but it needs to be imposed , and politically installed in Somalia, but that’s unlikely to happen in the future , why because Somalia has a 4.5 clan formula which will not go hand in hand with federalism , 3th obstacle Somalia, to the world is a homogenous country they all share the same Language and religion to some extend , there fore it will be hard to define federal borders. And the fourth problem is Tfg is a failure , it’s on life support at the moment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this