Sign in to follow this  
Deeq A.

Safarka Muuse ee bariga sheekooyin badan baa ka soo baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Safarka Muuse ee bariga sheekooyin badan baa ka soo baxay, dad badani na si maadsi ah ayay u eegayaan waxa dhacaaya. Qaybta u gu maadda badnayd waxa ay ahayd markii uu ku hakaday Qoyta oo Shiikh iyo Burco u dhexaysa. “Ina Kaahinoow dadkan aad soo guraysaa maxay yihiin.” ayuu Muuse yidhi. Intii la qarinaayay ee Kulmiye na ay ka murmaayeen, oo ah in ay koox dad ah hadba meel u daad guraynayaan, si ay u mujiyaan in dadweyne soo dhaweeyay Muuse, ayuu kashifay. War ilayn aff aanad lahayn ma qabatid, ayay odayaashu odhan jireen marka ay halkaas oo kale arimuhu ka cago taagaan. Burco waad aragteenba in aanay cidina is ku hawlin u carcarar ka Muuse. Kaahin iyo Biixi ba ceeb ayay ku tahay in ay si baraad la’aan ah isaga socdaan, oo wixii ay fashil soo hooyeen ay is dhego mariyaan, oo kolba meel is ku soo sawiraan iyaka oo ciyaalka la boodboodaaya.

Burco – cod midaysan ayay ku tidhi:

– Hadda shalay ma dheerayn;
– Waxa dhacay ma fududayn!

Maxamed Haaruun Biixi

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this