Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya uga socday dalka Turkiga oo natiijo la’aan ku dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
fms.jpeg?resize=1000%2C563&ssl=1

Wada-halladii uu Turkiga dhex-dhexaadinayay ee magaalada Ankara uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, sida laga soo xigtay diblomaasiyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wada-hadalladii labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa la isku mari waayay qaabka ay uga laabanayso Itoobiya MOU-gii Somaliland iyo hannaanka loo qeexayo helidda marin biyoodka Itoobiya ka raadinayso Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay wararka diblomaasiyadeed, dowladda Itoobiya ayaa dalbanaysay in iyaga iyo Soomaaliya ay marka hore heshiis badeed galaan oo Turkigu damaanad ka yahay, halka dowladda Soomaaliya shardi ka dhigtay  in marka hore Itoobiya si cad uga baxdo MOU-gii.

Warar ayaa intaasi ku daraya in aysan jirin wax wada-hadal toos ah oo dhexmaray labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaaliya, islamarkaana ay farriimaha kala gudbinaysay dowladda Turkiga.

Wejiga saddexaad ee Wada-hadalladii labada dhinac ayaa loo ballamay in la isugu soo laabto bisha soo socota, iyadoo dowladda Turkigu ku dadaalayso isu soo dhaweynta labada dal.

Dhinaca kale, wefdigii ka socday dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay caawa u socdaalaan dalka Masar oo uu maanta u amba-baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST

The post Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya uga socday dalka Turkiga oo natiijo la’aan ku dhammaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this