Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo maanta Gaalkacyo ka daah-furay barnaamij lagu tallaalayo 100 kun oo Carruur ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1723453239437.jpg?resize=720%2C57

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ka daah-furay talaalka caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee aan horay loo talaalin ama dhamaystiran Talaalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa faray dhamaan Guddoommiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka in lala shaqeeyo Howlwadeennada hirgelinaya tallaalka iyo  waceygelinta si looga hortago xanuunada, waxa uu ugu baaqay dadka reer Puntland inay qaataan talaalka.

Tallaalka caruurta oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 100 kun oo caruur ah, ayaa 177 xarumood ka socon doona muddo 7 cisho ah, waxaana ka shaqeyn doona 20 kooxood oo isugu jira dhakhaatiir iyo howlwadeeno caafimaad.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumada oo ay ugu horeyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiinta Caafimaadka ee heer degmo iyo Gobol iyo Hay’adaha Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha Caafimaadka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo maanta Gaalkacyo ka daah-furay barnaamij lagu tallaalayo 100 kun oo Carruur ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this