Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Bariga dhexe u dhaqaajiyay Gujiska xambaaraha gantaalada nukliyeerka ee USS GEORGIA

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1723453951342.jpg?resize=720%2C36

Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujinaya xaaladda bariga dhexe oo hadda taagan heerkii ugu sarreeyay ee khatarta sida laga soo xigtay xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin.

Xoghayaha difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in uu ku wajahanyahay bariga dhexe gujiska xambaaraha gantaalada nukliyeerka ee USS GEORGIA , iyadoo ay markabkan saaranyihiin in ka badan 154 gantaalaha Tomahawk cruise missiles iyo madaxyo nukliyeer ah.

Austin, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in markabka burburiyaha ah ee diyaaradaha xambaaraha , Abraham Lincoln isna inuu tagi doono bariga dhexe , wuxuuna ku hubeysan yahay diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad ee F-35C, oo ay weheliyaan diyaradaha kale ee  F/A-18E/F Super Hornet, EA-18G Grawler.

Tallaabooyinkan aan horey loogu arag bariga dhexe tobannaan sanno, wuxuu Mareykanka u sameynayaan si loo difaaco Israa’iil hoosna loo dhigo weerarro baaxad leh oo Iran iyo kooxaha ay taageerto ay ku qaadi karaan Israa’iil, iyadoo markii u horreysay ay soo baxday inay Iran weerarkan u adeegsan karto gantaallada riddada dheer ee Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo Bariga dhexe u dhaqaajiyay Gujiska xambaaraha gantaalada nukliyeerka ee USS GEORGIA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this