Deeq A. Posted August 12 Ciyaaraha Olombikada Adduunka 2024 ee lagu qabtay Paris ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay iyada oo si heer sare ah xafladdii xidhitaanku u qabsoontay. Calanka Olombikada ayaa lagu wareejiyay duqa magaalada Los Angeles, halkaasoo ciyaaraha lagu qaban doono afar sano kadib. Xiddiga Hollywood Tom Cruise ayaa soo galay garooonka qaranka ee Faransiiska oo xaflada xidhitaanku ka dhacaysay isagoo wata mooto korna u sida calanka olombikada si ugu qaado Los angeles. Hadalkiisii xidhitaanka xaflada madaxweynaha guddiga caalamiga ah ee Olombikada addduunka Thomas Bach ayaa sheegay in ciyaarahu ay ahaayeen kuwa sanadkan xamaasad leh, isaga si gaar ah carrabka ugu adkeeyey in ay dhaceen xilli adduuku kala qaybsanaa. ayna Olombikadu dhiirigelisay dhaqanka nabadda. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites