Deeq A. Posted August 11, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed digniin ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya ayaa loo diray Milkiilayaasha iyo Darawalada Gaadiidka ka howlgala magaalada Muqdisho. Hoos ka akhriso qodobada oo dhameystiran: Dhamaan Milkiilayaasha iyo Darawalada Gaadiidka Waxaa Lagu Wargalinayaa Arimaha Hoos ku Xusan kuwaas oo kala ah: 1. Waxaa Macnuuc ah in La kaxeeyo ama la wato Gaari aan wadan Taargo iyo Buuga la haanshaha 2. Waa in ay islahaadaan Buuga gaariga, Jes-nambarka iyo Taargada hadii ay islahaan waayaan waxaan Laga qaadi doonaa Talaabo Adag 3. Waa in Gaariga kasta uu ka diiwaan Gashan yahay Wasaaradda Gaadiidka islamarkaana uu wadto Dukumintiga xaqiijinaaya in uu bixiyey canshuura 4. ayadoo La raacaayo Qaraarkii ka soo baxay Golaha Xukuumada Waxaa markale la cadeynayaaa in aan la keeni Karin lana buufin Karin Mooto Bajaaj Cusub . 5. Waxaa Mamnuuc ah in macluumaadka Mooto bajaaj Noqotey Howlgal Sida (Xafarka A ama B ) Jesnambarka ,Taargad Iyo I W M loo Guuriyo Mooto Kale oo aan Laheyn Macluumaadkaas 6. Waxaa si gaar ah Loogu Wargalinayaa Milkiilashaada iyo Howl wadeenada Ku Shaqeysta Mooto Bajaajta in Aan Xuduudaha Caasimada laga soo gelin Karin Mooto Bajaaj laga keenay Gobolada Kale 7. Waxaa la xusuusinayaa cidkasta oo ku Guuldareysata u hoggaan Samida Awaamiirta Sare ku Xusan in ay la kulmidoonto Talaabooyin Adag Oo waafaqsan Sharciga. The post Booliska DF oo soo saaray digniin adag oo 7 qodob ah appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites