Jacaylbaro Posted October 20, 2008 Xus Balaadhan Oo Loo Sameeyay Maalinta Shuhadada SNM Ee 17 October 1984 iyo Halganews soo Bandhigtay Sawiro taarikhiya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 20, 2008 SDWO (Hargeisa 18/10/08) Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay sanad guurada 24aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM oo ku beegan17-ka bisha October ayaa habeenkii xalay lagu qabtay Hotel Summer Time ee magaalada Hargeysa. Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada ee lagu magacaabo (SRC) Somaliland Research Center waxa ka soo qayb galay madax ka tirsanaa ururkii SNM, oo ay ka Mid yihiin Muj:C/kariin Xaashi Cilmi, Yuusuf Maydal, Muj: Quule, Muj: Cismaan Awr-Liqe Muj: Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno ka tirsan axsaabta qaranka, Mujaahidiin, qaar ka tirsan ururada bulshada iyo marti sharaf aad u tira badan. Waxana ugu Horayn halkaa hadal ka jeediyay Gudoomiyaha ururka soo qabanqaabiyay Xaflada oo ah wiil dhalinyaro ah oo uu dhalay Mujaahidkii iyo Halgamaagii caanka ahaa ee Muj: Gacma-dheere waana Mustafe Maxamed Xasan waxaanu Mustafe ka war bixiyay ururka soo qabanqaabiyay xaflada oo ah urur ay dhawaan Aasaaseen oo la yidhaa Somaliland Research Center isaga oo sheegay in ujeedada ururka loo aasaasay ay tahay sidii taariikhdii SNM ay u ururin lahaayeen, Mid ka mid ah dhalinyaradii xafladaa soo qaban qaabisay oo ku hadlayay magaca ururka SRC ayaa isaguna ka waramay ujeedada ay xafladan u qabteen isaga oo sheegay inay tahay mid ay ku doonayaan sidii dadkii wadanka u soo halgamay loogu qiimayn lahaa oo markay ugu yartahay loo muujin lahaa qiimahoodi, waxa kale oo uu tilmaamay in caruurtii ay dhaleen shuhadadu aanay in badan oo ka mid ahii abayaashood garanayn meel ay ku aasan yihiin, aduuna aanay ka dhaxlin, sidaa daraadeed aan taariikh la'aana loogu darin maadama oo ay dhiigoodi u hureen dhulkooda caruurtooduna diyaar u tahay inay u dhintaan wadankooda, waxa kale oo uu xusay inay sameeyeen sanduuq loogu tala galay baadhista iyo soo bandhigida taariikhdii halgankii SNM iyo mujaahidiintii u shahiiday kaas oo accont ay uga fureen Dahabshiil ciwaankiisuna yahay (Dahabshiil 11461) ugu danbayntii waxa uu si wayn ugu mahad naqay dhamaan masuuliyiintii iyo dadkii ka soo qayb galay. Waxa kal oo halkaa ka hadlay Muj: Yuusuf Maydal oo ka mid ahaa ragii galay Dagaalkaa Burco duuray waxa kale oo isna ka hadlay Muj: Quule oo isna ka mid ahaa ragii dagaalkaa galay, waxa kale oo isna si qoto dheer uga waramay dagaalkaa iyo sida uu u dhacay Muj: C/Kariim Xaashi Cilmi oo ahaa Mujaahidkii Talada ciidanka la wareegay markii uu Lixle dhintay " Xaaladda ururka SNM waxay xilligaa ahayd mid iska liidatay xagga ciidammada iyo xagga saadkaba. Maalintaas waxaannu ku jiray toddobaad socod ah, dagaalkaasina waxa uu ahaa mid laysla hiir-beelay, waxana ku dhintay mujaahidiintii ugu qiimaha weynaa ee SNM, iyada oo Tirada inagaga dhimatay dagaalkaa ay ahaayeen ilaa 29 Mujaahid halka ay ilaa socomeeyo kalena inaga dhaawacmeen kuwaas oo mudan in la xusuusto oo la ururiyo taariikhdooda," ayuu yidhi Muj. Cabdikariim Xaashi Cilmi. Mudadii xafladaasi socotay waxa dadkii ka soo qayb galay ay halkaa ku daawadeen Sawiro iyo muuqaal taariikheed ka waramaya dhibaatadii shacbigan ka soo gaadhay Rajiimkii Siyaad Bare iyo halgankii qadhaadhaa ee loo galay xorayntii dalkan oo ay soo bandhigeen Shabakadda Wararka iyo Taariikh ururinta ee Halganews oo ururisay Taariikh iyo Sawiro badan oo Mujaahidiin ah, Gudoomiyaha Halganews Axmed Ismaaciil Xuseen oo munaasabadaasi ka hadlay ayaana ka waramay ahmiyada ay siiyaan ururinta taariikhdii SNM iyo Sawirada Mujaahidiintii SNM oo ay haatanba ahayaan tiro aad u badan. Waxaana Khudbad dheer oo Gudoomiyaha Halganews halkaa ka jeediyay uu ku yidhi: "Sida aad la wada socotaan maanta waa Maalin wayn oo Umada Somaliland Qiima wayn ugu fadhida waa maalin Farxad iyo Naxdin labadaba wadata waa dhinaca farxada e waa Maalintii ugu horaysay ee SNM iyo Ciidamadii Siyaad Bare dagaal qadhaadh oo fool ka fool ah fooda is daraan isla markaana ay SNM oo ka Taag yarayd ay ka guulaysatay , waa dhinaca Naxdinta e waa maalin ay SNM ay ka Shahiideen rag aad qiimo badan ugu lahaa oo uu ka mid ahaa Muj: Maxamed Xaashi Diiriye Lixle oo ahaa Hogaamiyihii Dagaalkaa Burco-duuray ee dhacay 17 Kii October 1984 waana in maalintaas qiimaha ay inaga mudan tahay la siiyaa" . isaga oo ka hadlaya Gudoomiyuhu Taariikhda oo La qoro iyo Faa iidada ay u leedahay umadaha wuxu yidhi: "Taariikdhdu sideedaba waa Sheeko ku saabsan wixii dhacay iyo wixii ay dadku soo mareen ama sameeyeen laba macne ayaanay leedahay ama huwan tahay, ta hore waa falkii dhacay ama la sameeyay ta labaadna waa sharaxaada ama Tebinta sheekada falkii dhacay ama la sameeyay, waxaanay u baahanyihiin cid sharaxda oo soo gudbisa sheekadooda si ay u noqoto Taariikh la ogyahay , hadiise la waayo cid soo tebisa sheekada falkii dhacay waxay falalkaasi noqdaan qaar aan taariikhda galin. Taariikhdu ma dhimato hadiise ay waydo cid soo saarta aqoontaasi taariikheed oo isku duba rida waxa falalkii ama dhacdooyinkii run ahaan u dhacay qarin kara Brobagaandho iyo Kutiri kuteen taasi oo ay ka dhalan karto in xaqiiqadii dhabta ahayd aasanto, waxaanay Taariikhda u yeeli kartaa waji ka duwan kii dhabta ahaa markaasi oo kale waxa loo baahan yahay in boodhka laga hurgufo oo la baadi goobo falalkii dhabta ahaa ee Xiligaa dhacay lana sameeyo raad raac cilmiyaysan, Taariikhda hadii laga been sheego waxay dhibaato u keentaa umadaha mustaqbalkooda waxaanay ka qarisaa waayo aragnimadii laga heli lahaa wixii la soo maray , waxaana ka dhalan kara in arimihii hore loo xaliyay ay kolba soo noqnoqdaan. Waa arin dabiici ah in qofkastaa jecel yahay in uu ogaado taariikhda umadiisa iyo qaabka ay bulshadiisu u noqotay sida ay maanta tahay kuna soo gaadhay xaalada ay hada ku sugan tahay, barashada Taariikhduna waa mid Bulsho kasta lagama maarmaan u ah. Qofka ay ka lunto xusuusta mudadii uu soo jiray iyo wixii uu ka bartay wuxu noqdaa sida ilmo yar oo raad qaad ah, umada ay ka daahantahay taariikhdeedii ay soo martay kama duwana umad dhalaan ah oo barbarad ah, waxana lagu tilmaami karaa umad asqaysan oo aan garanayn Jiho ay u socoto go' aankeeda siyaasadeedna wuxu yeeshaa Khaladaad badan. Sidaasi darteed waxa danta umad kasta ah in ay ogaato taariikhdii dhabta ahayd ee ay soo martay si taasi loo helana waxa lagama maarmaan ah in la sameeyo raad raac cilmiyaysan oo dheelitiran soona maray kala shaandhayn xoogan oo lagu hubinayo xaqiiqda falkii dhacay, hadba sida loo qoro taariikhda loona fuliyo isku durbaridka iyo gudbinta sheekadeeda ayay ku xidhantahay isku duubnaanta iyo midnimada umadaasi, sida oo kale is bedelka iyo tamarta uu yeelanayo horumarka umadaasi doonayso ayaa ku xidhan taariikhdaa si ay mustaqbalkeeda dhaw iyo ka fogba u maamusho" ayuu intaa ku daray. Waxa kale oo gudoomiyuhu ka hadlay Shabakada Halganews iyo hawlaha ay qabato waxaanu yidhi: " Tan iyo 17 kii October 2007 markaas oo ay Shabakadu soo qabanqaabisay Xaflad balaadhan oo lagu xusayay Munaasabadan oo kale mudadaa sanadka ah anagu shabakad ahaan waxaanu ku mashquulsanayn dhibaato wayn oo la soo deristay Shabakada Halganews taas oo ah weerar lagu soo qaaday Shabakada isla markaana lagu burburiyay gabi ahaan ba Datadii ku kaydsanayd Shabakada ee ahayd Taariikdhii , wararkii iyo Sawiradii SNM. Sidaasi darteed ayaa ay mudo afar bilood ah nagu qaadatay in aanu dib u soo celino Shabakada waxaana taas mahada Ilaahay ka dib mahadeeda koowaad leh Tifaftiraha guud ee Shabakada Halganews isla markaana ah Farsamayaqaanka shabakada Cumar Cabdi Nuux oo degan wadanka Finland isaga oo dadaal dheeraad ah u galay sidii uu Data daa u soo celin lahaa, waanad garanaysaan Ruux Yurub jooga oo Shaqadii iyo waayihii Yurub oo dhami sugayaan inta uu haleel u yeelan karo in uu Computer dul fadhiist oo uu saacado fara badan ka shaqeeyo" ayuu yidhi Gudoomiyuhu Gudoomiyuhu waxa kale oo uu Sheegay " Arinta sanadkaa dhacday ee aan la ilaawi Karin waxay ahayd tii ay Wasaarada Waxbarashadu kaga saartay Manhajka wax barashada Taariikhdii Halganka taas oo aanu Shabakada ahaan aanu aad uga dagaalanay kuna Cambaaraynay dawlada falkaa ay ku kacday, waxyaabihii markaa ay dawladu ku doodi jirtay waxa ka mid ahaa ma hayno taariikh SNM leedahay oo qoran si taasi looga baxo waxaan leeyahay Taariikhda hala qoro, " ayuu yidhi Gudoomiyaha Halganews, waxaanu u soo jeediyay dhalinyarada hawshan soo qabanqaabisay in aanay hawshaas ka daalin oo ay sii wadaan Faysal Cali Sheekh Gudoomiyaha wargeyska madax banaan ee Jamhuuriya oo isna halkaa ka hadlay ayaa si aad ah ugu mahad naqay dhalinyaradii soo qaban qaabiyay munaasibadaas, kuwaas oo uu tilmamaay in aanay dhalan xiliyadii halganku socday isla markaana iyagoon wakhti badan u heli hadana isku xil qaamay sidii ay taariikhdii abayaashood iyo mujaahidiintii kale ee u soo halgalamay xoriyada Somaliland maanta hadhsanayso ay umada ugu soo bandhigi lahaayeen, waxaanu ku booriyay inay halkaa ka sii wadaan, oo ay ku dadaalaan sidii ay taariikhda u soo ururin lahaayeen. Faysal Cali Sheekh waxa kale oo uu ka waramay ahmiyada ay taariikhdu leedahay isaga oo tusaale u soo qaatay dalka Israel "Tariikhdu aduunyada qiimo wayn bay ugu fadhidaa, imika Israel waxay dunida ku haysataa xasuuqii loo geystay, run ahaantii hadaynu inagu reer Somaliland nahay in badan baynu ku daalnay ictiraaf, ictiraafkuna lugaheena ayuu hoos yaala, runtii wuxuu yaala lafahaa aynu ka xishoonayno, waxaanay ahayd maamul kasta oo yimaada inuu booqasho ku tuso wafdi kasta oo yimaada dalka lafahaa iyo dadkii la xasuuqay ee la laayay, iyadoo gobol kasta iyo degmo kasta lafaheeni yaalan, markaynu xaqiiqada tusno ayuu dadku kuu garaabayaa, caalamku kuugu garaabi maayo heeso iyo Somaliland baanu samaynay, waayo? Waxaynu samaynay dhibaatadii umadan gaadhay, xasuuqii gaadhay iyo dhimashadii maato iyo shacbi aan loo kala aabo yeelin ayaa sababtay halganka, sababta kala go'eena keentay waa taa, waxa weeyaan maanta hadii aynaan iskuulada iyo jaamacadaha ayaa xataa ka baxaysa, jamhuuriyay ahayd jariiradii ugu horaysay ee wax ka qortay markii manhajka laga saaray, waxaan arkay taariikhdii sanadkii hore manhajka ku jirtay oo sanadkan ka maqan, hadii aynaan taariikhda ubadka barin waxaynu arki doona ka jaamacada ka baxay oo Imbagati dhex fadhiya, waayo? Somaliland waxba kama garanayaan dhibtii loo soo marayna waxba kama oga, waa inaynu isku guubaabino oo baarlamaanku ka hadlo, maaha taariikh cid gaar ah loo samaynayo ee waa taariikh aynu ku badbaadi karno oo Somaliland ku jiri karto, oo ubadka ubadkiisu ku ilaalin karo madax banaanidiisa. Faysal Cali Sheekh waxa uu si wayn uga waramay muhiimada taariikhdu umadaha dunida ku dhaqan u leedahay isaga oo si qoto dheer u muujiyay halista ay leedahay ka fara madhnaanta raadadkii Halgankii SNM iyo taariikhdii dalka waxa uu xusay sida ay u sii yaraanayaan dadkii dhibaatadiida shacbiga soo gaadhay ogaa isla markaana aanay jirin wax qoraal ah oo lagu soo bandhigay xasuuqii 300-kun oo qof oo reer Somaliland u dhashay, waxa kale oo uu Faysal Cali Sheekh sheegay in dhaliilo badani jiraan SNM-na kow ka tahay, gabagabadiina waxa uu ka waramay taariikhda maalinta 17-October iyo qadhaadhkii ay lahayd waxaanu sheegay in maalintaasi ahayd mid lagu kala doortay in halganku sii socdo iyo inuu istaago duruufihii jiray awgood iyo xidhiidhkii Ethiopia ay SNM la lahayd oo xumaaday Muj. Maxame Kaahin Axmed oo ka tirsanaan jiray madaxdii ururkii SNM oo isna halkaa ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay maalinta shuhadada SNM ee 17-october sababtii loogu doortay maalintaa, shuhadadii ku geeriyooday iyo waliba taliyihii watay ciidankii SNM ee maalintaas dagaalka lagu qaaday Muj. Lixle oo uu si aad u mug wayn uga waramay "Caawa xafladan aynu ku jirnaa waa taariikh halgameed aad iyo aad muhiim u ah waa 17-october waa maalintii tiradii ugu badnayd SNM hal goob ah kaga geeriyooto, maalintan waxaa loo gartay in ay wada kulmiso taariikh ahaan, shuhadadii SNM oo dhan, sababta loo aasaasayna waxay ahayd rag badan oo halganka qiimo ku lahaa, mujaahidiin fara badan maalmo kala duwan ayay geeriyooday, markaa si loo midooyo waxa la gartay in maalintaa la qaato. " Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed isaga oo ka hadlaya 17-ka October waxa uu yidhi "Ciidankii maalintaa la soo weeraray oouu hogaaminayay halgamayaasha ragii ugu waaweynaa ugu mudnaa oo uu ku dhintay oo uu ahaa Maxamed Xaashi Lixle, in badan baynu ka soo hadalnay Maxamed Xaashi Siidii hore loo sheegay Burcuu ku dhashay Sheekh buu wax ku bartay ragii ciidamadii Somalia ee Ruushka loo diray buu ahaa Engineer dhinaca tangiyada ah buu ahaa, kacaan diid ragii loo bixiyay buu ahaa." Ugu danbayntii waxa uu Maxamed Kaahin u mahad naqay dhalinyaradii xuska soo qaban qaabisay iyo shabakada wararka ee Halganews gaara ahaan gudoomiyaha Axmed Ismaaciil Xuseen, iyo Ragiisa waxaanu ku booriyay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda isaga oo balan qaaday in ay shahaado gudoonsiin doonaan shabakada Halganews. Muj. Maxamuud Sh. Cumar ayaa gudoonsiiyay kaydkii taliskii guud ee Qabribayax Mustafe Gacmadheere oo uu dhalay halgamaagii waynaa ee Muj. Gacmadheere oo ka mid ahaa mujaahidiintii waaweynaa ee SNM, document kaas oo uu sheegay Maxamuud Sh. Cumar inay ku jiraan dhaxal wixii uu ka hayay mujaahidiintii ku geeriyooday dagaalkii 17-October. waxa kale oo Dhamaadkii xafladaas lagu soo bandhigay bandhig-faneed iyo suugaan xuska maalintan iyo taariikhda SNM ka hadlaya oo dhextaal looga dhigay munaasibadaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites