miles-militis Posted November 21, 2009 Xoolo Somalida waxa loo dhoofiya wadamada Carabta Xoolo ku dhow 300 oo kun oo neef oo ari ah ayaa tobankii maalmood ee la soo dhaafay ka dhoofay dekeda magaalada Bosaso. Xoolahaas ayaa loo kala dhoofiyay dalalka Saudi Arabia iyo khaliijka. Waxaa kale oo hadda ku sugan maxjarka magaalada Bosaso ari kale oo gaaraya 300 oo kun sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Puntland Faarax Cali Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay dekedda Bosaso gudaheeda. Intii xayiraada ka qaaday Saudi Arabia dhoofinta xoolaha somalida ayaa waxa jirta in xoolo badan la dhoofiyey dekedaha Bosasso iyo Berbera. Xoolaha Bosasso ka dhoofay Axmed Maxamed Cali BBC Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites