Som@li Posted August 10, 2007 War sheegaya inay qarka u saaran yihiin Golihii Deegaan ee Degmada Xingalool inay si toosa ugu biiraan Maamulka Maakhir Xingalool:- War haatan na soo gaadhay ayaa sheegay inay qarka u saaran yihiin Golihii deegaanka ee Degamada Xingalool oo ay awalba soo dhoob dhoobeen Maamulka Puntland inay si toosa ugu biiraan Maamulka Cusub ee Maakhir, iyadoo ay hadeer Xingalool ka socdaan shirar looga dan leeyahay sidii loogu biyo shuban lahaa Maamulka Cusub ee Maakhir Satate,mid ka mida Xubnaha golaha deegaanka Degamada Xingalool oo LaasqorayNet,la soo xidhiidhay ayaa sheegay in xitaa la wado in kal soonida lagala noqdo Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee degamada Xingalool. Dhamaan shacabka Reer Xingalool ayaa aad ugu riyaaqay Maamulkaas Maajhir iyagoo ku tilmaamay mid aad loogu baahnaa oo baahi wayn loo qabay waxana ay muujiyiin dhinaca kale sida ay u taageersan yihiin Golaha Deegaam ee Xingalool oo iyana ku biiray Maamulka Maakhir. Xingalool waa Magaaladii labaad ee Golaheeda deegaan ay ku biiraan Mamaulkaas loo riyaaqay ee Maakhir iyadoo ay shalay ku biireen Maamulka Maakhir Golihii Deegaan ee Degamada Dhahar. Dhanka Degmooyinka ka tirsan gobolka Sanaag oo aanay iyo Tuulooyinka ee aanay ka dhisanay Golayaal deegaan ayaa aad iyana u taageeray Maamulkaas Maakhir waxana ka mida magaalooyinka aad looga taageeray Maamulka Maakhir Degmada Buraan , iyo Magaalada Damalo Xagere,Carmale, iyo Balibusle, dhamaan magaalooyinkaas ayaa aad looga soo dhaweeyay Maamulka Maakhir. Si kastaba ha ahaatee Maamulka Maakhir ayaa moodaa inuu aad ugu fiday dhamaan Gobolka oo idil iyadoo ay soo baxayaan Taageero aad u farabadan oo ka imanaysa Jaliyada dibada ee Gobolka oo iyagu aad u dhaweeyay Maamulkaas cusub sheegayana inay lagarab taagan yihiin Taageero Buuxda. Jaamac Ayaanle Feyte LaasqorayNet/ Bosaaso Feyet37@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 11, 2007 oo hadaa maxay qaban ,, sowka reerkii tashaday Quote Share this post Link to post Share on other sites