Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay Kulankii Madaxweyne Deni la yeeshay Odayaasha iyo Bulshada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1723375524427.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada magalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. 

Kulanka Madaxweynaha iyo Dadweynaha ayaa ahaa kulan is-xog-wareysi  shacabkuna fursad u heleen in ay Madaxweynaha  weydiinayeen su’aalo dhanka siyaasadda ah iyo kuwo ku saabsan qorshaha  hortebinta u xukuumadda gaar ahaan  dhanka adeegyada bulshada ee dowladdu bixiso, Mashaariicda horumarinta , Kaabayaasha Dhaqaalaha, doorka shacabka ee horumarka iyo Amniga, iyo ka gungaaridda masuuliyad wadareedka saaran qof kasta oo muwaadin ah, 

Sidoo kale kulanka ayaa daaranaa is-xogwaraysi guud oo ku salaysan nabadda gobolka Mudug, Amniga Guud, adkeenta Xasiloonidda, horumarka gobolka,  nabadaynta beelaha walaalaha ah ee xurguftu dhextaallo, la dagaalanka maandooriyaha iyo ka hortagga falalka Argagixisada cadawga ku ah shacabka iyo dowladdooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa nabadoonada beelaha gobolka Mudug, masuuliyiinta dowladda iyo waxgaradka gobolka ku wargeliyey in si dhammaystiran oo dhiifoon looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida.

PUNTLAND POST

The post Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay Kulankii Madaxweyne Deni la yeeshay Odayaasha iyo Bulshada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this