Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Guddi loo saaray qiimaynta Xaaladda Amniga iyo Caddaalada Gobolka Mudug oo shaqa bilaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1723356293871.jpg?resize=720%2C48

Guddi uu Madaxweyne Deni oo Gaalkacyo ku sugan u xilsaaray qiimaynta iyo u kuurgelidda xaaladda laamaha amniga iyo caddaaladda Gobolka Mudug ayaa si rasmi ah u shaqa bilaabay.

Guddiga oo ka kooban Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Madaxtooyada ayaa kormeer ku tegey qaar kamid ah xarumaha dowladda ee Gaalkacyo.

Goobaha guddigaasi soo kormeerey waxa kamid ah Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka, Maxkamadda Racfaanka, Maxkamadda Derejada koowaad, Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Gobolka Mudug.

Guddiga ayaa warbixin ka dhegeystey mas’uuliyiinta Xarumaha Dowladda ee ay booqdeen iyagoo u kuurgelaayey xaaladda lamaaha amniga iyo caddaaladda Gobolka Mudug.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in guddigaasi qiimaynta xaaladda gobolka Mudug uu dhexdiisa ka jiro is qab-qabsi la xiriira sida loo wajahayo qiimaynta loo diray.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Guddi loo saaray qiimaynta Xaaladda Amniga iyo Caddaalada Gobolka Mudug oo shaqa bilaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this