Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Oo baaq u diray beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay xushmeeyaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. waxaanu xusay in dhammaystirka heshiiskii isfaham ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya uu marayo marxalad gabogabo ah.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu tilmaamay in Somaliland aanay weligeed qayb ka noqon Soomaaliya, hase ahaatee Somaliland midow qayrul dastuuriya la gashay Soomaaliya sannadkii 1960kii.

Guddoomiye Faysal wuxuu intaas ku daray in midowgii fashilmay uu dhammaaday sannadkii 1991kii, kadib toban sanno ah oo Somaliland ay dagaal dhiig ku daatay la gashay keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuuna xusay in tan iyo muddadaas ay Somaliland ahayd qaran madax-bannaan oo dimuqraadi ah.

Geesta kalena, Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Itoobiya ay mar walba qadariso madax-bannaanida Soomaaliya, waxaanu bayaamiyay in tan iyo 2006-dii Itoobiya ay dalka fashilmay ee Soomaaliya ka saacidaysay sidii nabad looga dhallin lahaa oo ay geysay ciidammo, taasina ay sababtay in Itoobiya ku wayday Soomaaliya dad badan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this