Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kormeeray Xarunta Gurmadka Qaranka ee Dadkii Ku Waxyeeloobay Qaraxii Liido

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday xarunta gurmadka qaran ee loo samaynayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii lagu ee hoobtay ee xeebta liido.

Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay sida ay u socdaan howlaha gurmadka ahi, asagoo sheegay in gudaha iyo dibaddaba qaydhaan gurmad loo diray, islamarkaana lagu guulaystay in wax badan laga qabto baxnaaninta iyo samatabixinta dadka waxyeeladu gaartay ee musiibadu saamaysay.
Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa guddiga gurmadka uga mahadceliyey howsha ay qabteen, asagoo markalena tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhammaaday qarixii khasaaraha badan sababay ee dhowaan ka dhacay xeebta liido.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this