Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya Ku Matalaya Wadahadallada Kala Dhexeeya Itoobiya oo u Dhoofay Ankara

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo ah Sabti u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga.

Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this