Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen oo dilay 70 askari oo Kumaandoos ah kana socday Maraykanka iyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1723299003656.jpg?resize=720%2C47

70 askari oo ka socda Israa’iil iyo Maraykanka ayaa lagu dilay dalka Yemen, halkaas oo ay si dhuumasho ah ku galeen, iyagoo doonayay in ay gudaha ka dagaallamaan oo ay Xuutiyiinta ku qasbaan in ay furaan Marinka Bab al-Mandab.

Ciidamada la dilay oo ahaa Kumaandoos ka kooban 70 calooshood u shaqeystayaal ah oo Israa’iil iyo Mareykan ah ayaa gudaha u galay Yemen balse waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday Xuuthiyiinta, mana jirto cid ka badbaaday.

Ciidamada oo ahaa kuwa si gaar ah u tababaran, ayaa ka dusay meelo cidlo ah oo ka xeebaha dalka Yemen, balse waxaa arkay Dayax gacmeed Ruushku leeyahay, xogtaasi waxaa lala socodsiiyay Iran, isla markiiba Sirdoonka Iran waxay wargeliyeen Xuutiyiinta.

Xuutiyiintu waxay u dhigeen dabin iyagoo  u  galay jid-goyn aanay filaynin waxaana halkaas lagu dilay dhammaan ciidankii hubaysnaa Gudaha u galay dalka Yemen sida uu sheegay Khabiir ciidan oo Maraykan ah oo arrintaasi laga waraystay.

Ma jiro War kasoo baxay Israa’iil iyo Maraykanka oo ku saabsan in ciidan tiradaas ah lagu dilay gudaha Yemen, inkasta askarta dhimatay lagu tilmaamay Calooshooda u shaqaysteyaal daacad u ah labadaas dawladood.

PUNTLAND POST

The post Xuutiyiinta Yemen oo dilay 70 askari oo Kumaandoos ah kana socday Maraykanka iyo Israa’iil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this