Sign in to follow this  
Deeq A.

Waadhsame oo ka yaabay mid ka mid ah maanta magaca SNM ku celcelinaya ee ku ol’olaysanaya,

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mid ah ragga maanta magaca SNM ku celcelinaya ee ku ol’olaysanaya, ayaa maalin annaga oo wada taagan oo meel ku wada hadlayna, qof dumar ahi na soo garab istaagtay. “Waxan ahay mujaahid hebel xaaskiisii. Waxan kaa doonayey in aad bakhaaradaa macaamilka aad la leedahay raashin iigu sheegto ” ayey ku tidhi. “Ma jiro bakhaar aan macaamiil la leeyahay” ayuu ugu jawaabay. “Bal waayahaye telkaaga i sii anigaa kula soo hadliye” ayey ku tidhi. Nasiib darro, telkiina inu siiyo wuu ka diiday. Iyada oo jaaheeda dhididkii khajilaadu ku taagan yahay, ayey quus iyo faro madhan kala laabatay. Xaggay u dhaqaaday maahee aniguna xaggii kale ayaan u dhaqaaqay, aniga oo aan xataa maca salaama ku odhan.!! Oo miyuu u qalmaaba?

SNM-nimada gabadhaas uu saddex kiish oo raashina ugu huri waayey, inu maanta cod ku raadiyaa waa u garaad yari!!!

Weedhsame

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this