Xudeedi Posted December 28, 2007 There are reports that MSF Belgium personnel based in Baidabo were ordered to leave the country for safety reasons according to TFG's director general of the defense department, Sheikh Qasim Ibrahim. ------------------- MSF Belgium oo amar lagu siiyay in ay Soomaaliya ka baxaan Jamaal Cismaan ________________________________ Muqdisho, 27 Desember, 2007 (WDN) - DFKMG ayaa amar ku bixisay in hay’adda MSF-Bellgium ay dalka isaga baxdo, iyadoo amarkaasina ay soo saareen hay’adaha nabadgelyada u qaabilsan dowladda federaalka. Agaasimaha wasaaradda Amniga Qaranka Shiikh Qaasim Ibraahim, ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka socday hay’adda MSF-Belgium ee ka howlgasha gobolka Bakool ay kulan la yeesheen Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta maxkamadihii Islaamka, sidaas darteedna la soo saaray amarka ah in ay isaga baxdo dalka Soomaaliya. Amarkaas ka soo baxay Agaasimaha Wasaaradda Amniga Qaranka waxaa si kulul uga jawaabay guddoomiyaha degmada Xudur Md. Maxamed Macallin Axmed, oo sheegay in amarkaas ay u arkayaan maamul ahaan mid lagu curyaaminayo gobolka Bakool. Md. Maxamed Macalin waxa uu nasiib darro ku tilmamay in hay’adihii gobolka ka howlgeli jiray ay dhamaantood u guureen magaalada Baydhabo, haatanna hay’addii u hartay oo MSF-Belgium ah iyadana gobolka laga ceyrinayo. Isaga oo intaasi ku daray in hadalka uu sii daayay Agaasimaha wasaaradda Amniga uu ahaa mid shakhsi ah oo laab-la-kac ah, wuxuuna caddeeyay in aysan yeeli doonin go’aanka gobolka Bakool looga ceyrinayo hay’adda MSF-Belgium. Sidoo kalena warka ka soo baxay Agaasimaha wasaaradda Amniga Qaranku waxaa beeniyay C/raxmaan Cali Qaasim oo u hadlay Hay’adda MSF-Belgium, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ay la kulmeen Abuu Mansuur oo ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Bakool. Dhanka kalena, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegayaan in ay weli is-ceyrsanayaan ciidamada ammaanka Puntland iyo Rag af-duubtay labo Hablood oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain. Kuwaasi oo la qafaashay shalay subaxnimadii xili ay ku sii jeedeen xarun caruurta lagu quudiyo, oo ku taala xaafadda Raf iyo Raaxo ee bariga magaalada Boosaaso. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee maamulka Puntland Axmed Siciid Aw-Nuur, ayaa sheegay in shalay gacanta lagu dhigay labo ka mid ah raggii af-duubka geystay. Kuwaasi oo mid ka mid ah uu dhaawac soo gaaray, isagoo caddeeyay in dableydii kale iyo labadii gabdhood ee ay heysteen-na ay ku hareereysan yihiin ciidamada Ammaanka Puntland. Jamaal Cismaan WardheerNews Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites