Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo Toogasho Ku Dishay Guddoomiye ku-xigeenkii Degmada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo hubaysan ayaa magaalada Beledweyne ku dilay gudoomiye ku-xigeenkii maaliyada degmada Beledweyne Cabdi Sahal shuuriye sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen Maamulka Gobolka Hiiraan.

Cabdisahal oo ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa si weyn looga yaqaanay magaalada Beledweyne.

Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen oo ciidanka amniga aysan ku guuleysan in ay qabtaan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye ka tacsiyay dilka Gudoomiyaha. wuxuu hay’addaha amniga ugu baaqay in lasoo qabto gacan ku dhiigalayaasha.

Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu ugu baqay Shacabka in ay kala shaqeeyan arimaha sugidda Amniga loona istaago in wadajir loo wajaho Xaaladaha amniga oo udub dhaxaad u ah Nolasha Shacabka iyo guud ahaan hormarka magaalada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this