Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo sheegay in Wada-hadalkii Itoobiya iyo Soomaaliya oo Todobaadka danbe ka furmi doono magaalada Ankara

Recommended Posts

Deeq A.   
Ethipoia-_-Somalia-and-Turkey.webp?resiz

Wejigii labaad ee Wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya oo wakhtigiisii laga soo hormariyay ayaa lagu wadaa in uu Todobaadka danbe ka furmo dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga oo dhex-dhexaadinaysa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa shaacisay in Wada-hadalka labada dhinac uu Todobaadka danbe ka furmi doono magaalada Ankara ee caasimadda dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay si rasmi ah uga codsan doonto Soomaaliya helida deked islamarkaana aqoonsan doonto Madax bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka Arrimaha dibada ee Turkiga oo todobaadki hore safar ku tagay Addis Ababa ayaa muujinaya horumaro laga sameeyay dhex dhexaadinta uu Turkigu ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo sheegay in Wada-hadalkii Itoobiya iyo Soomaaliya oo Todobaadka danbe ka furmi doono magaalada Ankara appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this