ansaar17 Posted February 11, 2007 Muqdisho,11,February-07 (Qaadisiya.com) Weerar ayaa caawa lagu qaaday Xarunta Saldhigga Booliska ee Degmada Madiina halkaasi oo ay degan yihiin kana hawlgalaan qaar katirsan Shaqaalaha Tikreega. Weerarkani oo loo adeegsaday Qoriga Jabshaha loo yaqaano ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 3-askari oo Soomaali ah kana tirsanaa Shaqaalaha Tikreega ee Xarunta Saldhigaasi kusugneyd. Majirin khasaare kale oo ka dhashay weerarka caawa lagu qaaday Saldhigga Degmada Madiina, waxaana xaruntaasi isaga cararay caawa sida aanu ku heleyno wararka Muqdisho inaga soo gaaraya wixii ciidan ahaa oo halkaasi kusugnaa. Raggii Weerarka kusoo qaaday ayaa ugu dambeyntii sida ay sheegayaan dadka xaafadda isaga tegay goobtii ay weerareen waxaana ay kusoo beegmeysaa xilli Saakay laga bilaabay Degmada Madiina baaritaanno lagu hayay guryaha ku dhaw Villa Baydhabo kadib markii xalay weerar lagu qaaday. Xabashida iyo Shaqaalaha Tikreega oo qaati ka taagan Muqaawamada hawlgalka kawada Magaalada Muqdisho ayaanan weli ka hadlin arrimahani inkastoo iminka sida muuqata ay Muqdisho sii dhaafeyso Muqaawamada oo ay Maantana ka bilaabatay Magaalada Kismaayo, waxaana weli la dhowrayaa Mujaahidiinta kale ee iyagu kunool Gobolka Hiiraan iyo Gobolada kale ee Dalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ansaar17 Posted February 11, 2007 allahu akbar walilaahel hamdu. inshallah attacks on the kaafirs and their henchmen will double. Quote Share this post Link to post Share on other sites