Sign in to follow this  
ansaar17

Weerar Caawa lagu qaaday Xarunta Saldhigga Degmada Madiina

Recommended Posts

ansaar17   

Muqdisho,11,February-07 (Qaadisiya.com) Weerar ayaa caawa lagu qaaday Xarunta Saldhigga Booliska ee Degmada Madiina halkaasi oo ay degan yihiin kana hawlgalaan qaar katirsan Shaqaalaha Tikreega.

 

 

Weerarkani oo loo adeegsaday Qoriga Jabshaha loo yaqaano ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 3-askari oo Soomaali ah kana tirsanaa Shaqaalaha Tikreega ee Xarunta Saldhigaasi kusugneyd.

 

Majirin khasaare kale oo ka dhashay weerarka caawa lagu qaaday Saldhigga Degmada Madiina, waxaana xaruntaasi isaga cararay caawa sida aanu ku heleyno wararka Muqdisho inaga soo gaaraya wixii ciidan ahaa oo halkaasi kusugnaa.

 

Raggii Weerarka kusoo qaaday ayaa ugu dambeyntii sida ay sheegayaan dadka xaafadda isaga tegay goobtii ay weerareen waxaana ay kusoo beegmeysaa xilli Saakay laga bilaabay Degmada Madiina baaritaanno lagu hayay guryaha ku dhaw Villa Baydhabo kadib markii xalay weerar lagu qaaday.

 

Xabashida iyo Shaqaalaha Tikreega oo qaati ka taagan Muqaawamada hawlgalka kawada Magaalada Muqdisho ayaanan weli ka hadlin arrimahani inkastoo iminka sida muuqata ay Muqdisho sii dhaafeyso Muqaawamada oo ay Maantana ka bilaabatay Magaalada Kismaayo, waxaana weli la dhowrayaa Mujaahidiinta kale ee iyagu kunool Gobolka Hiiraan iyo Gobolada kale ee Dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this