Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ukraine oo Todobaadkan gudaha u galay dhulka Ruushka kadib weerar qorshaysan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1723192010687.jpg?resize=720%2C40

Ruushka ayaa toddobaadkan weerar lama filan ah kala kulmay ciidanka Ukraine , kuwaaso qaaday tallaabo jahwareer ku ridday Moscow, iyagoo ku guulaystay inay tijaabiyaan difaaca xudduudaha ee dalkaasi.

Ruushka ayaa sheegay in ugu yaraan 1,000 askari oo Ukraine ah oo ay taageerayaan taangiyo iyo baabuurta gaashaaman ay gudaha usoo galeen dhulka Ruushka  subaxnimadii Talaadada.

Tan ayaa u muuqata mid ka mid ah weerarradii ugu weynaa ee ka dhaca dhulka Ruushka tan iyo markii uu dagaalku billowday, waxaana tan iyo Talaadadiina gobolka uu ku jiraa  xaalad deg deg ah
markii ciidanka Ukraine ay gudaha u galeen qeyb ka mid ah gobolkan muhiimka u ah Ruushka oo ay ku yaalan aagga laga maamullo haamaha gaas geeya Yurub.

Inta uu socday dagaalka Talaaladii ciidanka Ukraine ayaa ku dhowaaday   Sudzha, oo ah magaalo ay ku badanyihiin astaamihii Soofiyeedka, waxaana ku yaalla taalada aasaasihii Midowga Soofiyeeti ee Vladimir Lenin, si la mid ah magaaladan ayaa muhiim Ruushka , waxaana ku taalla xarunta ugu weyn oo bamka gaaska dibiiciga ah u qaada Yurub iyo sidoo kale xarunta ugu da’da weyn ee nukliyeerka.

Ruushka ayaa wixii ka dambeeyay weerarka ay horumarka ka sameeyeen ciidanka Ukraine, wuxuu qaaday duulaan ballaaran iyo weerarro duqeymo ah oo uu dib ugu xaqiijinayo difaacyada gobolka Kursk, waxaana jira khasaaro badan oo duqeymaha Ruushka ay gaarsiiyeen Ukraine.

Zelensky, Madaxweynaha Ukraine ayaa ku sheegay weerarkan mid ay ku dhadhansiinayaan caawaaqibka dagaalka u leeyahay iyo marka dhulkaaga lagu dhex dagaallamayo, halka Putin uu ku eedeyay Ukraine ‘daandaansi’ ay kala kulmi karto jawaab adag.

PUNTLAND POST


The post Ciidamada Ukraine oo Todobaadkan gudaha u galay dhulka Ruushka kadib weerar qorshaysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this