Sign in to follow this  
Deeq A.

Faa’iidooyinka aan lagu baraarugsanyn ee laga helo mooska?

Recommended Posts

Deeq A.   

Moosku wuxuu ka mid yahay khudradaha adduunka ugu caansan, oo ay ka buuxaan faytamiino iyo macdanno.

Faa’iidooyinka caafimaad ee Mooska waxaa ka mid ah:

1:Wuxuu isu-miisaama dheecanada jidhka “hormones”:mooska waxa ku jira xaddi badan oo maaddooyinka Potassium iyo Vitamin B6 ah kuwaas oo sare u qaada soo saarista xaddiga dheecaan walba ee loo baahanyahay.

Sida ay sheegeen Khubarada xagga cuntadda, waxaa mooska ku badan walaxda macdanta Potassium, oo jirka bini’aadamka u baahan yahay sida ay sheegtay Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London.

Macdanta Potassuim ee jirka ku jirta, waxay wax badan ka tartaa wadashaqaynta qaybaha kala duwan ee jirka taas oo mooska laga helo.

2: Waxa laga helaa tamar “Energy”:Mooska waxaa ku jira 3 nooc oo sokor dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaas oo ka caawiya jidhku in uu helo tamar ku filan.

3: Wuxuu xoojiyaa lafaha:Moosku waxa uu xoojiyaa lafaha. Moosku wuxuu fududeeyaa nuugista calcium ka oo ah maaddo lafaha u roon. Sidaa darteed waxa uu lafaha ka dhigaa kuwo caafimaad qaba oo xooggan.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this